Xog cusub oo laga helayo diyaaradiiha drone-ka ee lagu qabtay garoonka Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog cusub ayaa laga helayaa diyaaradaha Drones-ka ee maalin ka hor Ciidanka NISA ku qabteen garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, oo la rumeysan yahay inay dalka kusoo rogi karaan halis amni oo xooggan.

In diyaaradahan la qabto ayaa waxaa la sheegay inuu suurta-geliyey Taliye Khadar Maxamuud (Khadar Sanka) oo ah Taliyaha NISA ee Garoonka Aadan Cadde, oo bixiyey amarka lagu qabtay diyaaradaha, oo kadibna ay ciidankiisa la wareegeen.

Xog cusub iyo baaritaano ayaa muujinaya in diyaaradahan ay si weyn isku shabahaan diyaaradaha ay ganacsi ahaan u iibiso shirkad laga leeyahay dalka Shiinaha oo lagu magacaabo MuginUAV.

Marka la fiiriyo cabbirka caadiga ah ee balaastigga caagga ah ee lagu arkay mid ka mid ah sawirada ay heshay Caasimada Online ee diyaaradahan waxaa laga fahmi karaa inay ku cabir yihiin kuwa ay sameyso MuginUAV oo ah nooca Mugin 3600VTOL, oo cabirkeedu yahay 3600mm, sida ay sheegtay shabakad ka faaloota arrimaha sirdoonka iyo diyaaradaha aan duuliyaha laheyn oo lagu magacaabo Intel Warlus.

Shirkadda MuginUAV waxay xarunteeda ku taalaa magaalada Xiamen ee dalka Shiinaha, waxaana diyaaradooda laga iibsan karaa si ganacsi ahaan caalamka oo dhan.

In diyaaradahan lala xiriiriyo Turkey, maadaama laba qof oo Turkish ah ay la socdeen markii lagu qabtay garoonka, ayaa xiiso leh, sababtoo waxaa hadda kahor adeegsaday kooxda PKK ee dagaalka kula jirta Turkey.

Mugin’s UAVs ayaa sidoo kale kasoo muuqatay dukumentio sir ah oo muujinaya in kooxda Daacish ay hadda kahor si sharci darro ah u iibsatay diyaaradahan.

Sida ku qoran documentiyada la helay, kooxda daacish ayaa diyaaradahaan aan duuliyaha laheyn ku iibsatay miisaaniyad gaareysa illaa 1.1 Million oo Dollar, waxayna qaab Online ahaan ah uga iibsatay shirkadda MuginUAV.

Dal sida Soomaaliya oo kale ah, diyaaradahan waxay kusoo rogi karaan halis xooggan sababo la xiriira inay hadda soo badanayaan kooxaha mintidiinta ah ee adeegsada.

Taliye Khadar Sanad ayaa bogaadin badan loo jeediyey isagoo lagu amaanay in uu soo kordhiyey Feejignaan tan iyo intii uu noqday Taliyaha NISA ee Garoonka Aadan Cade uuna kahor tagay halis xooggan.

Xildhibaan Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi ayaa sheegtay inuu leeyahay diyaaradahaas, oo aysan aheyn kuwa militari, balse loogu talo-galay in lagu waraabiyo beeraha iyo in lagu buufiyo ayaxa, wuxuuna madaxtooyada ku eedeeyey inay arrimo siyaasadeed dartood u beegsatay.