Diblomaansiyiinta dalalka reer galbeedka oo ka baxay Addis Ababa iyo wararkii ugu dambeeyey ee dagaalka

Addis Ababa (Caasimada Online) – Waxaa maanta garoonka diyaaradaha magaalada Addis Ababa ka dhoofay qaar kamid ah ajaanibta iyo diblomaansiyiinta dowladaha reer galbeedka ee ka howl galayay dalka Itoobiya, kuwaas oo laguamray in ay isaga baxaan dalka.

Safaaradaha dalalka yurub ee fadhigoodu yahay Itoobiya ayaa horay muwaadiniintooda ugu baaqay in ay isaga baxaan dalka kadib markii ay adkaatay xaaladda Itoobiya, oo mucaaradka ay guulo ka gaareen dagaalka ay kula jiraan dowladda.

Ciidamada Tigray-ga ee dagaalka kula jiro kuwa federaalka Itoobiya ayaa waxay kaabiga ku soo hayaan magaalada Addis Ababa oo ay sheegen in dhawaan la wareegi doonaan.

Muwaadiniinta ajaanibta ah ee ku sugan caasimadda Itoobiya ayaa saaka indhuhu qabanayeen iyagoo ku sii qulqulaya garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Addis Ababa Bole International Airport.

Colaadda Itoobiya ayaa gashay sannadkii labaad, iyadoo malaayiin qof ay ku barakaceen halka in ka badan 400,000 ay qarka u saaran yihiin macluul.

Toddobaadkii tegay TPLF ayaa qabsatay laba magaalo oo muhiim ah oo ka tirsan gobolka Amxaarada, ayaga oo kadibna usoo ruqaansaday caasimadda Ethiopia, waxayna joogaan meel u jirta qiyaastii 300 km.

Jimcihii ayaa sagaal koox waxay ku dhowaaqeen isbaheysi cusub oo ujeedkiisu yahay inay xukunka ka tuuraan ra’iisul wasaaraha Abiy Ahmed.

Berhane Gebre-Christos, oo ah wakiil ka tirsan TPLF, oo heshiiska isbaheysi ku saxiixay Washington, ayaa sheegay in waqtiga uu kasii dhammaanayo ra’iisul wasaare Abiy Ahmed.

“Waxaan damacsanahay inaan meesha ka saarno taliska,” ayuu u sheegay weriyayaasha.

Wasaaradda difaaca Ethiopia ayaa Jimcihii ugu baaqday askarta howgabka ah inay dib usoo howlgalaan “si dalka looga badbaadiyo shirqoolka lagu kala dhantaalayo.”

Isbaheysiga cusub ayaa la mid ah kii ay dhammaadkii sideetamaadkii ay dhistay kooxda TPLF kahor inta aan xukunka laga tuurin kaligii taliyihii muddada fog Mengistu Hailemariam, 1991-kii.

Addis Ababa ayaa waxaa lagu qabsan karaa “bil gudahood haddiiba aanay aheyn toddobaadyo,” waxaa sidaas sheegay kooxda Oromada ee OLA.

Afhayeenka OLA, Odaa Tarbii ayaa sheegay in kooxda ay damacsan tahay inay riddo dowladda Abiy, wuxuuna in xafiiska laga eryo Abiy Ahmed ugu yeeray “dhammaad aan laga baaqsan karin.”

“Haddii xaaladda ay sidan ku socoto, waxaan ka hadleynaa bilo, haddiiba aanay aheyn toddobaadyo,” ayuu yiri.