Xog: Qorshaha Farmaajo uu damacsan yahay ee uu Xaaf ugu yeeray Villa Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxdweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaafo oo galabta gelinkii dambe soo gaaray Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay madaxweyne Farmaajo.

Xaaf oo ay garoonka Diyaaradaha kusoo dhaweeyeen xildhibaano ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka ayaa si toos ah loogu gudbiyey Xarunta madaxtooyada Villa Somalia halkaas oo uu kulan qorsheysan kula qaatay Farmaajo.

Inkastoo aan la shaacin qodobada kulanka looga hadlay, haddana xogt ay heleyso Shabakadda Caasimadda Online ayaa sheegeysa inay labada Mas’uul kawada hadleyn xaaladihii ugu dambeeyey Galmudug.

Labada Mas’uul ayaa ka wada hadlay doorashada ka dhici doonto Galmudug iyo inuu Xaaf dowladda kala shaqeeyo sidii loo qaban lahaa doorashada ay mabda’ ahaan isku raaceyn dowladda iyo madaxda Galmudug.

Xubin ku dhow Madaxweyne Farmaajo ayaa Caasimadda Online u xaqiijiyey inay dowladda Soomaaliya Xaaf kala hadashay inuu ka tanaasulo ka qeybgalka doorashada soo socoto ee Galmudug maadaama uu qrosheenayo inuu qeyb ka noqdo isla markaasna uu mar kale isku soo taago xilkaas.

Kulankaan ayaa kusoo aadayo xilli dhawaan ay Xaaf iyo Ra’isulwasaare kulan ku yeesheen Magaalada Cadaado, waxaana heshiiskii labadaas mas’uul kamid ahaa inuu Xaaf tago Muqdisho si ay labada dhinac u kala saxiixdaan heshiis ku aadan doorashada Galmudug.

Booqashadan ayaa timid kadib markii khilaafkii ka dhexeeyay dowlada federalka iyo Maamulka Galmudug lagu soo xaliyay magaalada Cadaado oo uu booqasho ku tegey Ra’iisul Wasaare Kheyre.

Madaxweyne Xaaf ayaa muddo badan hal sano ka badan aan imaan magaalada Muqdisho, waxaana jiray Khilaaf kala dhaxeeyay dowladda dhexe ee Soomaaliya, kaasoo ugu dambeyntii heshiis laga gaaray.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah