Xog: Qorshaha Geelle ugu yeeray Axmed Madoobe oo ku sugan Jabuuti + Sawirro

Jabuuti (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad-goboleedka Jubaland ayaa Axadii gaaray magaalada Jabuuti ee caasimada Jamhuuriyada Jabuuti, halkaasi oo ay si weyn ugu soo dhaweeyeen Wasiirka arrimaha dibada Jabuuti Mudane Maxamuud Cali Yuusuf iyo masuuliyiin kale oo katirsan dowlada Jabuuti.

Axmed Madoobe oo booqasho rasmi ah uga bilaabatay Jabuuti ayaa waxa uu safarkiisa yimid kadib markii uu casuumaad ka helay madaxweynaha dalkaas Ismaaciil Cumar Geelle.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, marti-qaadka uu Geelle u fidiyay Axmed Madoobe ayaa leh labo ujeedo oo kamid tahay in Axmed Madoobe lagu qanciyo inuu ku biiro heshiis ay hore u wada-galeen Xasan Sheekh, Muuse Biixi iyo Geellaha Jabuuti.

Xogaha aan helayno ayaa intaas ku daraya in khilaafka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Saciid Cabdullaahi Deni ay qayb ka tahay sababaha xilligaan loo soo dhaweynayo Axmed Madoobe, oo kal hore ay xulafo siyaasadeed ahaayeen Deni.

Waxaa muddooyinkii dambe si weyn usoo baxday in madaxweynaha dalka Jabuuti uu ku qanciyay Muuse Biixi iyo Xasan Sheekh Maxamuud inay ogolaadaan howl-galka Justified Accord iyo arrimo kale oo aan xog fiican laga wada hayn intii lagu guda jiray munaasibadii aroos siyaasadeedka aheyd ee loo sameeyay gabadha madaxweyne Geelle.

Justified Accord ayaa ujeedada laga leeyahay waxaa lagu sheegay in sare loo qaado iskaashiga caalamiga ah ee wax ka qabashada dhibaatooyinka iyo hawl-galada ka hor taga argagixisada iyo in la-diyaariyo ciidamo goboleed qayb ka noqda hawl-galada QM iyo Midowga Afrika.

Dalalka howl-galkan ku midoobay oo qeyb ka tahay Soomaaliya ayaa la qorsheynaya in bisha Febraayo ee sanadkaan ay dhoola-tus millateri kusoo bandhigaan magaalada Berbera, taasi oo koox ciidamo iskugu jira oo Mareykan ah oo shaqo wadaag ah ay dhawaan booqasho indha-indheyn ah ku tageen magaalada Berbera.

Booqashadan ayaa ku soo beegantay ka hor tababar laylis ciidan ah oo la qorsheynayo inay ka qayb qaataan dalal badan oo ay horkaceyso dowladda Mareykanka, oo loogu yeeray Justified Accord.

Dhanka kale, waxaa iyadna jira wallaac ka dhashay arrintan oo la xiriira inuu qorshuhu intaas ka weyn yahay, oo waxaa jira guux faro badan iyo hadal hayn la xiriirta arrintan oo durba dadka qaar ay muujinayaan, taasi oo salka ku haysa in ujeeda guracan oo ‘khayaan ah’ ay ku hoos qarsoon tahay howl-galka loogu magaca daray Justified Accord.

Dadka arrintaan ka walaacsan ayaa qaba in dowladda Mareykanka ay ku soo galbineyso ciidamada badda ay dhawaan sameysatay dowladda Itoobiya si xeebaha Soomaaliyeed saldhig looga dhigo.

Waxaa dadka qaba doodan ayaa cuskanaya war shaki badan dhaliyay oo bishii la soo dhaafay uu warbaahinta ka sheegay sarkaalka ugu magacaaban ciidankan Itoobiya ee la yiraahdo Kundu Ghele, kaasi oo sheegay in ciidamada badda ee ay sameysatay Itoobiya ay ilaalin doonaan xeebaha dalalka deriska ah.

Itoobiya ayaa dhowr jeer ka gaabsatay inay si cad u sheegto in ciidamadeeda ay ka howl-gali doonaan xeebaha Soomaaliyeed, taasi oo hadda u muuqata in Geelle loo xil-saaray taageero u helida ololahaas ee dowladda federaalka iyo maamul-goboleedyada dalka.