Go’aan culus: Xasan Sheekh oo saacado u qabtay ciidanka ‘Badbaadada K/Galbeed’

Baydhaba (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya ayaa digniin ka soo saaray qorshaha ciidanka la magac baxay badbaadada Koonfur Galbeed ee isku uruursanaya qeybo ka mid ah magaalada Baydhaba “Ciidankaan waa in deg deg ay Deynuunaay ugu laabtaan,” ayuu yiri.

Ciidankaan waxaa hoggaaminaya siyaasiyiinta qaar, kuwaas oo ka hor yimid mudo kordhintii loo sameeyey madaxweynaha maamulkaas Cabdicasiis Laftagareen, “Dowladda K/Galbeed waxaan ka rabaa in dadka aan la gaarsiin duruuf ku kalifta inay hubka qaataan, waana ka balanay Madaxweyne Cabdicasiis,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa digniin culus siiyey ciidanka, isagoo ku amray in qof aan Shabaab aheyn aysan xabad ku ridin, sidoo kale siyaasiyiinta ayuu ugu baaqay in ciidanka aysan kala furfurin oo siyaasadda aysan u adeegsan.

“Ciidanka dowladda lagama aqbali doono inay ku dhex milmaan siyaasadda, oo ay dadka dhibaateeyaan, ilaa hadda ma jiro nin maxkamad looga yeeray, waxaan ku amrayaa ciidanka inay xeryahoodii ku laabtaan,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa si cad u sheegay in ciidanka uu ugu tala-galay inay Shabaab la dagaalamaan, balse uusan jirin siyaasi uu ka ogolaanayo in ciidanka dowladda uu mansab xoog ah ama dano u gaar ah uu ku raadsado.

“Wiilasha hubka sita ee magaaladaan soo galay saacado ayaan u qabtay, maanta ayaan la sugaayey in halkaan aan ka sheego, ciidankaas waa in deg deg uu ugu laabto xeryihiisa” ayuu yiri.

Madaxweynaya ayaa odayaashii dhaqanka ee ka soo qeyb galay shirka dib u heshiisiinta ah ee Baydhaba ka socda wuxuu u sheegay in askarigii caawa u hoya waaya xeradii ay ku ogeed dowladda federaalka aan berri cabasho laga aqbali doonin oo dowladdu ay tallaabo ka qaadi doonto.

“Dadka ciidamada kala furfuraaya kama ogolaa doono. Nin aan u ogolnahay in qof kale uu xabad ku rido ma jiro, saan ayey aniga ila tahay uma socaneyso siyaasi ciidan hubeysan wata,” ayuu yiri.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku goodiyey in la ruqsey doono oo ciidanka laga saari doono askarta ka mid noqotay ciidanka badbaadada K/Galbeed ee taabacsan siyaasiyiinta qaar, waa hadii aysan deg deg ugu laaban xeryahooda.

“Waxaa jira wilal kale oo jecel inay ku biiraan ciidanka qaranka, kuwaas oo dowladdu ay tabar u weysay, ogaada inta kuwaan ruqseyno, ayaan kuwaas fursad sii doonaahe,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh.