Maxay ATMIS ka yiraahdeen qabashada Xarardheere, Ceeldheer iyo GALCAD?

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidamada howlgalka ATMIS ee Soomaaliya ayaa war cusub kasoo saaray howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee haatan ka socdo gobollada dalka, gaar ahaan qabashada degmooyinka Xarardheere, Ceeldheer iyo Galcad.

ATMIS ayaa marka hore boggaadisay guulaha ay gaareen ciidamada dowladda, kuwa daraawiishta iyo dadka deegaanka ee Al-Shabaab kula dagaalamayo gobollada dalka.

Madaxa howlgalka ATMIS, ahna ergeyga gaarka ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Danjire Maxamed Al-Amiin Souef ayaa sheegay inay hambalyo u dirayaan ciidanka Qaranka Soomaaliyeed, kadib qabashada degmooyinka kala ah Xarardheere, Ceeldheer iyo Galcad.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ATMIS ay sii wadi doonto taageeradeeda ku aadan sidii Soomaaliya looga saari lahaa wax uu ugu yeeray “Argagixisada’ oo uu kala jeedo Shabaab.

“Howlgalka ATMIS waxa uu sii wadi doonaa in uu bixiyo taageerada loo baahan yahay si loo gaaro Soomaaliya oo ka caaggan argagixisanimada iyo falalka la xiriira” ayuu yiri Souef

Waxa kale oo uu intaasi ku daray in ATMIS ay ayaduna qaadan doonto doorkeeda, isla-markaana ay kaashan doonto ciidamada Soomaaliya.

“Al-Shabaab waa ay jabeen, innaga oo garabsaneyna walaalaheena Soomaaliyeed sii wadi doonaa in aan argagixisada khawaarijta ah ka saarno Soomaaliya si ay shacabku u helaan amni, xasillooni iyo nabad, kuwaas oo muhiim u ah horumarka bulsho iyo kan dhaqaaleba” ayuu markale yiri madaxa guud ee howlgalka ATMIS ee ka socdo gudaha dalka Soomaaliya.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo ayada oo guullo waa weyn laga gaaray dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, kadib markii laga saaray dhul ballaaran oo ku yaalla HirShabelle & Galmudug.

Si kastaba, ATMIS oo dalka u joogto nabad ilaalin ayaa waxaa lagu eedeeyaa inay ka gaabisay doorkeeda ku aadan ka qayb qaadashada dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.