Xog: Qorshaha Saciid Deni ee doorashada madaxweyne iyo tallaabooyin uu qaaday

Garoowe (Caasimada Online) – Ilo wareeeyo kala duwan ayaa Caasimada Online u sheegay in Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni uu dhigiisa Jubaland Axmed Madoobe kala hadlay in uu ka shaqeeyo sidii doorashada Jubaland ugu soo bixi lahaayeen Xildhibaano lagu kalsoonyahay oo uu ka heli karo cod maadaama uu yahay Murashax aan wali is-shaacin. 

Madaxweyne Deni ayaa la sheegay in uu marka hore taageero ka raadinayo ismaamulada beeshiisa sida Jubaland iyo kuwa Kenya balse waxaa la sheegay in uu Axmed Madoobe ka dalbaday in uu meesha ka saaro Xildhibaanada hadda jira ee aan lagu kalsoonaan karin, islamarkaana uu keeno kuwa dhiig cusub ah oo lagu kalsoonyahay. 

Sidoo kale degaanada Puntland ayaa la sheegay in uu Saciid Deni ku dadaalayo sidii uu ku keeni lahaa Xildhibaano u daacad ah. Saciid Cabdullaahi Deni ayaa la rumeysan yahay in uu yahay Murashax Madaxweyne, waxaana la filayaa in uu ku dhawaaqo markii ay dhacdo doorashada baarlamaanka kadib. 

Deni ayaa dib u dhigaya ku dhowaaqistiisa musharaxnimo, sababtoo ah waxay su’aal gelin kartaa dhex-dhexaadnimadiisa doorashada xildhibaanada Aqalka Sare iyo kuwa golaha Shacabka ee uu maamulkiisa qabanayo.

Deni ayaa heysto taageerada Jubaland iyo maamulkiisa waxayna taasi gelineysaa rajo weyn, wuxuuna rumeysan yahay inuu si fudud uga soo gudbi karo wareegga koowaad ee doorashada oo ah kan ugu adag.

Tartanka doorashada Soomaaliya ayaa sanadkaan u muuqdo in leeyahay xiiso gaar ah, waxaana isku haya musharaxiin miisaan culus leh, manna cidda weli cidda ku horeysa ee ku guuleysan doonta.