25.8 C
Mogadishu
Wednesday, January 21, 2026

Xog: Qorshaha Shariif Xasan ee Sacuudiga oo la ogaaday

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamul Goboleedka Koofurgalbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan, oo waayadaani ku howlanaa socdaal lagu xoojinaayo ololihiisa Doorasho, ayaa waxaa iminka la xaqiijiyay in Booqasho gaaban uu ku tagay dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Booqashada Shariif Xasan ee dalka Sacuudiga oo gaabneyd, ayaa waxaa la xaqiijiyay in Boqortooyada dalkaasi uu ka dalbaday in garab lagu siiyo ololaha socda.

Shariif Xasan muddada uu joogay dalkaasi la kulmay ilaa Seddex mas’uul oo ka tirsan qoyska talada dalkaasi heysa, ayaa usoo bandhigay qorshihiisa Doorasho iyo suuragalnimada sara qaadka xiriirka kala dhexeeya dalka Sacuudiga, waa haddii ay suuragasho inuu kusoo baxo doorashada.

Shariif Xasan waxa uu Mas’uuliyiinta Boqortooyada gudoonsiiyay Nuqulo warqado uu kusoo diyaariyay qorshihiisa Siyaasadeed ee uu ku Hogaamin lahaa dalka mudada u dhexeysa 2017 ilaa 2020.

Boqortooyada Sacuudiga ayaa rajo galisay Shariif Xasan Sheekh Aadan waxa ayna ballanqaaday inay garab muuqda ka geysan doonto sida uu kusoo bixi lahaa Shariif Xasan.

Shariif Xasan oo ballanqaad loo sameeyay ayaa waxaa lagu wadaa in maalmaha soo socda uu ku laabto dalka Sacuudiga, waxa uuna qorshaha laabashadiisu noqon doontaa fulinta ballanqaadka loo sameeyay.

Shariif Xasan ayaa iminka ku sugan magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia, oo uu kusoo laabtay, waxaan Ethiopia uu ka gadayaa inaysan ka hor-istaagin inuu madaxweyne noqdo.

- Advertisement -

Read more

Local News