Xog: Qorshaha Xasan ee gacan ku dhigista xildhibaanada 2016-ka

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud ayaa ku guda jira olalihiisa cod raadinta ee doorashada 2016-ka ka dhaceysa Somalia.

Madaxweyne Xassan Sheekh oo juhdi lixaad leh ku bixinaaya sida uu mar kale kusoo laaban lahaa ayaa waxa uu kulamadiisa xooga ku saarayaa Odayaasha ku howlan xulista Xildhibaanada cusub kuwaasi oo uu la qaadanaayo kulamo aan dhamaad laheyn.

Madaxweyne Xassan ayaa la sheegayaa in Odayaasha uu ka dalbanaayo in taageero ay uga raadiyaan dhanka Xildhibaanada cusub ee ku matali doona Baarlamaanka cusub.

Odayaasha ayuu ka dalbanayaa in wakhtiga kooban ee ka harsan doorashada ay u dhabar adeegan si uu mar kale u hanto kursiga, waxaana kulamadiisa barbar socda ballanqaadyo kala duwan.

Xassan ayaa Odayaasha beelaha ku calool jilicsanaaya in xilal aad u sareeya uu ka siin doono dowlada cusub waa haddii ay ka shaqeeyaan in mar kale uu soo laabto.

Inta badan Odayaasha ayaa Xassan Sheekh ka aqbalay inay la shaqeeyaan iyo inay taageero uga raadiyaan dhanka Xildhibaanada cusub ee ku matali doona Baarlamaanka iminka uu dhismihiisu bilaaban doono.

Xiliyada doorashada ayaa waxaa la kala iibsadaa cododka waxaana sidoo kale dhaca ballan ka baxyo lagu sameeyo Musharaxiinta, waxa uuna Xassan Sheekh kamid yahay shaqsiyaadka aadka uga cabsi qaba in laga qaato dhaqaalaha kadibna codka lala baalmaro.

Lama oga in Odayaasha ay Xassan Sheekh uga dhabeyn doonaan ballanqaadyada ay wada sameysteen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com