Muxuu Turkey-ga ka yiri kulankii Xasan Sheekh iyo Netanyahu?

Qaahira (Caasimada Online) – Dowlada Turkiga ayaa walaac gaar ah ka muujisay kulankii xiisaha lahaa ee dhexmaray Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh iyo Ra’isul wasaaraha Israel Benyamin Netanyahu.

Qoraal kooban oo kusoo baxay Wargeyska Al-Badiil ee ka soo baxa dalka Masar ayaa waxaa lagu sheegay in dowlada Turkiga aysan ku riyaaqin kulankii qarsoodiga ah ee dhexmaray Madaxweynaha Somalia iyo Ra’isul wasaaraha Israel Netanyahu.

Wargeyska waxaa lagu sheegay in kulankaasi uu shaki galin karo siyaasada cusub ee Somalia ay la wadaageyso dalka Israel, waxaana sidoo kale lagu sheegay in arrintaasi ay u baahan tahay dabagal dheeri ah, si wax looga ogaado miraha ka dhashay wada hadalka.

Wargeyska Al-Badiil waxa uu sheegay in xukuumadda Turkiga ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Rajab Dayib Erdogan ay xidhiidhka Israa’iil dib u soo celisay, taas oo weji cusub u yeelaysa xidhiidh dhex mara Israa’iil iyo dalalka Muslimka, maadaama oo si ka duwan madaxda dalalkii hore ee Israa’iil xidhiidhka ula samaystay uu Erdogan yahay nin lagu tiriyo dhinaca Islaamiyiinta.

Taasina ay bilow u noqon karto in hoggaamiyeyaal kale oo dhinaca diinta Islaamka lagu tirinayey ay xiriiradaani oo kale la yeeshan sida haddaba ka socota Somalia oo uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku abtirsada mid ka mid ah ururada Islaami-siyaasiga ah.

Dowlada Turkiga waxa ay shakiga ugu weyn ka qabtaa in dowlada Israel ay faragalin dhanka siyaasada ah ku kala dirto Soomaalida u dhuun-daloosha siyaasada kuwaasi oo badi siyaasiyiintooda lagu xagliyo in adeegayaal ay u yihiin dowladaha Africa iyo reer galbeedka.

Shakiga labaad oo ay qabto dowlada Turkiga ayaa ah in dowlada Israel ay kala fogeyso dowladaha carabta iyadoo loo soo maraayo Somalia oo xiligaani ku jirta marxalad dhaqaale uruursi ah.

Wargeyska Al-Badiil waxa uu sheegay in dawladda Sucuudiga oo awood dhaqaale ku leh caalamka islamarkaana dhaqaale adag ku bixisa Somalia ay dib uga fiirsan doonto calaaqada cusub ee Somalia kala dhexeysa Israel.

Inkastoo aanu jirin sharci Somalia ka mamnuucaaya inay xiriir la sameyso dowlada Israel ayaa waxa ay hadana cabsida ugu badan noqoneysaa in madaxda Soomaalida uu hamigoodu yahay mid ku jaan go’an keliya dhaqaale raadin, taasi oo sahli karta in Somalia lagu burburiyo calaaqaadka ka dhexeeya dowladaha carabta ee islaamka sheegta.

Dowlada Turkiga ayaa dhawaan dib usoo celshay xiriirkii dib lumaasiyadeed ee kala dhexeeya Israel waxaana jira shaki laga qabo in Turkiga qudhiisa uu sabab u yahay in Somalia ay calaaqaad la sameyso Israel.

Si kastaba ha ahaatee, kulanka xiisaha lahaa ee Xassan Sheekh iyo Netanyahu, ayaa u muuqanaaya in nabar uu ku noqday dowladaha carabta oo ilaa iyo iminka warbaahintooda ay aad u hadal heyso kulankaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com