C/Weli GAAS oo ka guuleystay odayaasha beesha reer Mahad

Gaalkacyo (Caasimada Online)- Madaxweynaha maamulka Puntland ayaa ka guul gaaray odayaasha dhaqanka beesha Reer Mahad oo ka biyo diidanaa qaabka lagu soo xulayo xubnaha golaha deegaanka ee magaalada Gaalkacyo oo dhawaan la kala diray.

C/Welli Gaas ayaa ku guuleystay in odayaasha dhaqanka uu ku qanciyaa iney aqbalaan soo jeedintiisa aheyd in golaha deegaanka lagu soo xulaa nidaamka qabiiliga, maadaama odayaasha ay kasoo horjeedeen aragtidaasi markii hore.

Odayaasha dhaqanka ayaa qancin kadib aqbalay in nidaamka qabaliga lagu soo xulaa golaha deegaanka magaalada Gaalkacyo, waxaana muddada harsan ee la doonayo in golaha deegaanka lagu soo dhisaa tahay seddex maalin oo kaliya.

Sidoo kale wararka aan ka heley magaalada Gaalkacyo aya sheegaya in kulan ka dhacay magaalada loga hadlay qeybinta xubnaha aqalka sare kaga soo aaday maamulka Puntland oo uu murun badan ka taagan yahay habka loo qaadanayo.

C/Welli Gaas ayaa maalmihii ugu dambeeyay ku sugan magaalada Gaalkacyo, wuxuuna wax ka badalay maamulkii gobolka Mudug.

Caasimada Online
Xafiiska Mudug
Caasimada@live.com