Xog: Beesha caalamka oo booska Xasan u ballanqaaday R/W CC

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa soo baxaaya warar hoose oo sheegaya in wakiilada Beesha Caalamka ka jooga Somalia ay kulan gaar ah la qaaten Ra’isul wasaaraha Somalia Cumar C/rashiid.

Kulanka Beesha Caalamka iyo Ra’isul wasaare Cumar oo ka dhacay Safaarada Britain ay ku leedahay Somalia, gaar ahaan Garoonka Aadan Cadde, ayaa waxaa lagu gorfeeyay howlaha la xiriira doorashada.

Kulanka oo ay banaan joog ka ahaayen dhammaan mas’uuliyiinta la soctay Ra’isul wasaaraha, ayaa waxaa lagu dhiiri galiyay Sharmaarke oo lagu wargaliyay in wakiilada ay u arkaan shaqsi munaasab ku ah in lagu bedelo Madaxweynaha iminka wakhtiga uu kasii dhamaanayo Xassan Sheekh Maxamuud.

Wakiilada oo tirro ahaan lagu sheegay inay ahayen ilaa afar ayaa waxa ay Sharmaarke u sheegen in lama huraan ay tahay inuu ka qeybqaato doorashada waxa ayna u ballanqaaden inay ku garab taagan yihiin doorashada, sida laga soo xigtay mas’uul ka howlgala Xafiiska Ra’isul wasaaraha.

Sharmaarke waxaa sidoo kale, la sheegay in loo ballanqaaday in seddex meelood hal iyo bar laga saacidi doono dhaqaalaha ku bixi doona ololihiisa, halka inta soo hartayna lagu amray inuu iska bixiyo.

Ra’isul wasaare Sharmaarke ayaa xiriir fog la leh dowlada Mareykanka oo iyadu ka danbeysay in mar kale laga dhigo Ra’isul wasaaraha Somalia.

Dhanka kale, Sharmaarke ayaa goor sii horeysay sheegay inaanu jirin wax ka maanacaaya inuu noqdo musharax u taagan xilka madaxtinimo ee Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com