Xog: Shir u socda Gabre, Goodax, Afeey iyo beesha Xawaadle..!!

Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in magaaladaasi ay gaareen wafdi ka socdo urur goboleedka IGAD iyo dowlada Ethiopia.

Kulanka gaar ah oo  u dhaxeeya wakiilka IGAD ee Soomaaliya, Maxamed Cabdi Afeey, General Gabra , wasiirkii hore ee arimaha gudaha iyo odayaasha dhaqanka Hiiraan ayaa ka socdo magaalada Beledweyne.

Kulanka ayaanan la ogeyn ilaa iyo hadda wuxuu ku saabsan yahay balse wararka ayaa sheegaya in looga hadlayo arimaha dhismaha maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe iyo qancinta beesha Xawaadle.

Warar soo baxayay maalmahaan ayaa sheegaya in IGAD iyo Ethiopia ay la wareegeen dhismaha maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, waxaana la ogeyn qaabka odayaasha Xawaadle loo qancin doono.

13600323_10207995814708051_6230631313456894084_n 13620996_10207995814828054_2997114560301159346_n 13654376_10207995815228064_3356771256893221218_n

Caasimada Online
Xafiiska Hiiraan
Caasimada@live.com