Damul-Jadiid oo isku khilaafsan qaabka doorashada 2016-ka

Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka ka imaanaya Madaxtooyada Somalia, ayaa sheegaya in halkaasi uu kulamo aan caadi aheyn uga socdo xubnaha ugu sar sareeya Damul-Jadiid ee ka tirsan dowlada Somalia.

Xubnahaani ayaa la sheegay inay ka kooban yihiin laba garab oo garab kamid ah ay xilal muhiim ah ka hayaan dowlada, halka garabka kale ay isugu jiraan siyaasiyiin iyo xubno ka howlgala Xafiiska Madaxweynaha Somalia.

Xubnahaani ka tirsan Damul-jadiid kana mid ah dowladaha hadda jirta ayaa lafa guray qaabka ugu sahlan oo looga gudbi karo doorashada iminka fooda nagu soo heysa iyo sida ay mar kale ku hanakaraan guusha.

Xubnaha qaar ayaa lasoo sheegayaa inay soo jeediyeen in doorashada dalka ee 2016-ka aanu wakhtigeeda dhaafin balse laga shaqeeyo in kursiga uusan ka bixin gacantooda, halka qaarna ay soo jeediyeen in la daahiyo dhammaan howlaha doorashooyinka si dib u dhac uu u imaado, waxa ayna ku nuux-nuuxsadeen in Beesha caalamka aan laga daalin islamarkaana la dalbado wakhti dheeri ah.

Xubnaha qaba inaan doorashada wakhtigeeda laga dib dhicin waxa ay tilmaamen in ilaalinta wakhtiga uu fursada u diidaayo Musharaxiinta kale ee wali kala daadsan kuwaasi oo aan cadeyn waxa uu yahay mowqifkooda.

Xubnahaani waxa ay sabab ka dhigeen inaanu ku filneyn wakhtiga harsan islamarkaana aan loogu diyaar garoobikarin doorashada, sidaa aawgeedna ay muhiim tahay inay helaan fursad dheeri ah, iyaga oo adeegsanaaya xeelado diblumaasiyadeysan oo aan dareen galinkarin wakiilada Beesha Caalamka ee Somalia.

Labada xubnood ee isku khilaafay qaabka doorashada ayaa isku fahmay keliya hal qodob oo ah in kursiga uusan gacantooda ka bixin waxa ayna sidoo kale isku fahmi’waayen wakhtiga doorashada oo ah mida ugu adag oo shakiga galisay Beesha Caalamka.

Labada xubnood oo ku kala aragti duwan qaabka doorashada ayaa waxaa lasoo warinayaa inay sameysteen xubo iyaga ay iska soo dhex xuleen kuwaasi oo looga danbeyn doono go’aan ka gaarista doorashada, waxa uuna kulanka ahaa mid khaas ah oo aan u furneyn cid waliba.

Geesta kale, Beesha Caalamka oo ah cida ay ka go’do wakhtiga doorashada ay qabsoomi doonto, ayaa qudhooda la sheegay inay ku jahwareersan yihiin Siyaasadaha cusub oo ay adeegsanayaan Damul-Jadiidka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com