Sawirro: Guddi loogu talo galay doorashada oo Muqdisho gaaray

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa goordhow magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia soo gaaray wafdi ka socda xarunta Midowga Afrika ee magaalada Addis Ababa.

Wafdigaani oo ka kooban Afar xubnood ayaa waxaa lagu wadaa inay kormeeraan goobaha suuragalka ah inay ka dhacdo doorashada Somalia bilaha August iyo September ee sanadkaan 2016.

Wafdigaani ayaa kulamo hordhac ah la qaatay qaar kamid ah madaxda ugu sareysa dalka kuwaasi oo ay kala hadleen ujeedka socdaalkooda iyo sida ay wax u doonayaan inay u hirgaliyaan.

Wafdigaani oo ka imaaday magaalada Addis Ababa ayaa sidoo kale wax ka diyaarin doona Hanaanka doorasho waxa ayna wada shaqeyn la sameyn doonaan Guddiga doorashooyinka 2016-ka ee Somalia.

Wafdigaani ayaa waxaa hogaaminaaya Mr Olabisi Dare oo sheegay in ahmiyadooda ugu weyn ay tahay inay la socdaan qaabka ay u dhaceyso doorashada Somalia iyo wax ka diyaarinta doorashada.

Sidoo kale, Mr Olabisi Dare waxa uu sheegay inay la kulmeen madaxda ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee Somaliya sida wakiilka gaar ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Somaliya Francisco Caetano Madeira iyo sidoo kale ku xigeenkiisa General Nakibus Lakara, iyaga oo kala hadlay safarkooda.

Dhanka kale, Sanadkaan gudahiisa ayaa lagu wadaa in Somaliya ay gasho isbedal cusub,waxaana dalka lagu wadaa in bilaha August iyo September ee sanadkaan 2016 ay ka dhacdo doorasho.

201671263603893867302575227624065773_7b19998c29_b 201671263603893882615077828239616505_067e35037f_b 201671263603893898534382328161951121_aff0364636_b 201671263603893982843730228205852796_79ce1115a9_b 201671263603893993526592228239631095_43c7fb3b6b_b 201671263603894003331524128205852796_79ce1115a9_b

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com