Galan oo hub uruursi billaabay iyo dagaal cusub oo laga cabsi qabo

Muqdisho (Caasimada Online) –Guddoomiyihii hore ee Gobolka Bari Cabdisamad Galan, oo ku sugan deegaano hoostaga Gobolka Bari, ayaa mar kale Hanjabaado hawada u mariyay Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiwali Gaas.

Galan oo u waramaayay Idaacada SMN ee magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in ujeedkiisa ugu weyn uu yahay in meesha uu ka laalo Cabdiwali Gaas iyo Maamulkiisa waxa uuna carab dhabay inaan loo dulqaadan doonin in ilaalada Gaas ay sida ay doonaan u xasuuqan dadka shacabka ah.

Galan waxa uu tilmaamay in ciidamada Gaas ay geystaan dilal, Xasuuq bareer ah iyo dhibaatooyin kale oo ay kula kacaan qeybaha kala duwan ee bulshada ku hoos nool maamulka.

Waxa uu xusay in xasuuqa iyo tacadiyada ay ciidamada Gaas ka geysteen deegaanada Waaciye iyo Xidho ee maamulkaasi Puntland hoostaga.

Waxa uu ku goodiyay in dhulka uu dhigi doono dabaqyada uu ku nasto Cabdiwali Gaas, waxa uuna cadeeyay in mowqifkiisa uu yahay in la masaxo maamulka uu ku sifeeyay kali taliska.

Hanjabaada iyo caga jugleynta Galan ayaa kusoo aadeysa xili Mr Galan uu sheegay inuu ku howlan yahay diyaar garowga weerar uu ku qaado xarumaha maamulka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com