Shir muhiim ah oo ka socda Villa Somalia (Maxaa looga hadlaa?)

Muqdisho (Caasimada Online)-Shirkaani ayaa waxa uu goordhow ka furmay Madaxtooyada Somalia, kaasi oo looga hadlaayo amniga magaalada Muqdisho ka hor inta aan la gaarin wakhtiga doorashada ee 2016-ka.

Shirka ayaa waxaa hogaaminaaya Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud waxaana goobjoog ka ah Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Hay’adaha amniga, Saraakiil ciidan iyo Mas’uuliyiin kale oo iyaguna khuseeyo amniga magaalada Muqdisho.

Ujeedka ugu weyn ee shirka ayaa la sheegay inuu yahay in amniga laga dhaliyo Caasimada Somalia mudada u dhexeysa Bisha 8-aad ilaa Bisha 11 oo xiliga doorashada kadib si aan loo qalqal galin amniga magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh ayaa mas’uuliyiinta iyo saraakiisha qeybta ka ah kulanka ku canaantay in wax laga bedelo sida uu iminka xaalka yahay waxa uuna shirka ka sheegay inuusan aqbali doonin in magaalada Muqdisho ay amni darro noqoto wakhtiga lagu jiro ilaa doorashada kadib.

Shirka ayaa wali ka socda Xarunta Madaxtooyada Somalia, waxa uuna Madaxweyne Xassan talooyin dhanka amniga ah ka dhageysanayaa mas’uuliyiinta kulanka xaadirka ku ah.

Dhanka kale, Shirka kadib ayaa waxaa lagu wadaa in laga soo saaro qodobo khuseeya amniga kuwaasi oo lagu shaqeyn doono.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com