Qodobada ugaasyada Hiiraan & IGAD isku mari la’yihiin (Akhriso)

Beledweyne (Caasimada Online)- Odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan ayaa go’aano adag hordhigay wafdiga IGAD ka socdo ee tagay magaalada Beledweyne, kuwaasi oo doonaya socodsiinta dhismaha maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Wararka aan ka heleyno magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in Ugaaska Xawaadle uu hordhigay wafdiga IGAD iyo Generaal Gabro iney doonayaan labo qodob midkood in lagu tixgeliyo.

1 In Hiiraan kaligii laga dhigo maamul gaar ah iyo

2 in Hiiraanloo qeybiyaa labo gobol kadibna lagu daraa gobolka Shabeelaha Dhexe.

Kulanka oo la isku mari waayay ayaa kusoo dhamaaday magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, waxaana la filayaa iney dib kaga bilowdaan magaalada Beledweyne.

Odayaasha dhaqanka ee Hiiraan ayaa diidan in martigelinta shirka laga dhigaa magaalada Jowhar, waxayna doonayaan iney isku helaan caasimada iyo marti gelinta shirka.

Arintaasi waxaa hogaanka u haya ugaaska beesha Xawaadle oo si weyn kaga soo horjeeda qorshaha dowlada Soomaaliya.

IGAD ayaa  soodeyna in odayaasha dhaqanka Hiiraan ay yimaadaan magaalada Muqdisho si loogu qanciyo ka qeyb galka shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

551 442 332 221

Caasimada Online
Xafiiska Hiiraan
Caasimada@live.com