Qaraxyo iyo rasaas culus oo laga maqlay magaalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaraxyo xoogan ayaa waxaa goordhow lagu weeraray Saldhiga Degmada Waabari ee Gobolka Banaadir.

Qaraxyada oo ahaa laba ayaa waxaa la sheegayaa inay ahaayen Bam kuwaasi oo lagu tuuray Saldhiga xili ay ku sugnaayen Saraakiil iyo ciidamo ka howlgali jiray Saldhiga.

Qaraxyada oo ahaa kuwo laga wada maqlaayay inta badan degmooyinka magaalada Muqdisho, ayaa waxaa barbar socday rasaas ay ridayeen ciidamada Saldhiga.

Goobjoogayaal ayaa sheegaya in Qaraxyada uu ka dhashay khasaaro kala duwan oo soo gaaray ciidamo iyo dad shacab ah oo saldhiga hor maraayay.

Ciidamada Booliska ayaa iminka jaray dhammaan wadooyinka gala Saldhiga waxa ayna halkaasi u diidayaan gawaarida iyo dadka shacabka ah.

Lama hayo heerka uu gaarsiisan yahay khasaaraha ka dhashay weerarka waxaase socda baaritaan ay wadaan Saraakiisha halkaasi gaaray.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com