Xog: CC oo dhabarka ka toogtay Xasan, heshiis uu la galay Hawiye

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar soo baxaaya ayaa sheegaya in Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia uu wada hadal la furay dhinacyada siyaasada ku jira ee kasoo horjeeda Madaxweyne Xassan Sheekh.

Mas’uuliyiinta uu wada hadalka siyaasadeed la furay Ra’isul wasaare Cumar ayaa isugu jira Musharaxiin, Xubno kamid noqon doona Xildhibaanada cusub iyo siyaasiyiin caan ku ah kar karinta ololaha doorashooyinka.

Sharmaarke waxa uu sidoo kale wada hadal hoosaad la furay qaar kamid ah Axsaabta siyaasada ee ka dhisan magaalada Muqdisho, kuwaasi oo uu doonaayo inuu kaga gudbo ololaha doorasho.

Dhinacyada uu Ra’isul wasaare Cumar wada hadalada la furay ayaa gabi ahaanba kasoo jeeda Beelaha Hawiye waxa uuna ujeedka wada hadalka yahay in meesha laga saaro Madaxweynaha Somalia ee uu wakhtigiisa sii dhacaayo Xassan Sheekh Maxamuud.

Wada hadalka Sharmaarke, Musharaxiinta, Xubnaha kamid noqon doona Baarlamaanka cusub, Siyaasiyiinta ayaa ah in Xassan Sheekh uusan dib ugu soo laaban xilka Qaran ee uu iminka ka degaayo.

Ololaha Sharmaarke ayaa waxaa sidoo kale qeyb lixaad leh ka qaadanaya dhowr dowladood oo ay u badan yihiin kuwa carabta kuwaasi oo kalsooni siiyay Sharmaarke.

Si kastaba ha ahaatee, waxaan la ogeyn saameynta wada hadalkaasi uu ku yeelan karto Madaxweyne Xassan Sheekh oo hami uu uga jiro in mar kale uu xilkaasi qabto.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com