Xog: Qorshe 3 qeyb loogu kala qeybinayo ciidamada Roobow oo la isku raacay

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo maamulka  Koonfur Galbeed ayaa wada qorshe la doonayo in lagu Qarameeyo ciidamada Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) oo ku sugan qeybo ka mid ah gobolka Bakool.

Sida ay ogaatay Caasimada Online ciidamada daacada u ah Roobow ayaa ogolaaday wadahadal dheer, kadib in la qarameeyo. Waxaa sidoo kale la isla qaatay in loo kala saaro ilaa saddex qeybood, qeyb Booliiska gaarka ah, Nabad-sugidda iyo xoogga dalka.

Sidoo kale Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa soo jeediyey in ciidamadan loo kala saaro ilaa saddex qeybood oo kala ah Boolis, Nabad Sugidda iyo SNA.

Lama oga in arrintan ay aqbali doonaan saraakiisha ciidanka Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Masuur) oo horay shuruud uga dhigay in hoggaanka ciidanka dowladda ay qeyb ka noqdaan, sidoo kalena la siiyo gaadiid dagaal, hub iyo saanad Milatari intaba.

Wadahadallada iyo dadaallada lagu doonayo in lagu Qarameeyo ciidamadan ayaa sii xoogeystay, kadib booqashadii Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya ee gobolka Bakool, inkastoo uu hadda dib ugu laabtay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa horay ugu guuleystay inuu Qarameeyo ciidamada maamulkii gobollada dhexe ee Ahlu Sunna Waljamaaca iyo sidoo kale maleeshiyaad beeleed ku sugnaa deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

Arrimahan ayaa waxa ay ku soo aadayaan, iyadoo uu weli xiran yahan wadaadka Mukhtaar Roobow oo ay bishii December ee sanadkii hore dowladdu ka soo xirtay Koonfur Galbeed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com