28.9 C
Mogadishu
Tuesday, June 24, 2025

Xog: Qorshe ka dhan ah saldhigga Imaaraadka oo socda (Yaa wada?)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Berbera (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Magaalada Berbera ee Somaliland ayaa sheegaya in halkaasi uu ka socdo abaabulka xiisad looga soo horjeedo qorshaha ay Imaaraadka ku dhiseyso Saldhiga Millitery ee magaalada Berbera.

Abaabulka ayaa la sheegay inay wadaan Ganacsato iyo Siyaasiyiin kasoo jeeda magaalada Berbera isla markaana kasoo horjeeda Heshiiska Dowlada Imaaraadka lagu siiyay dhulka laga dhisaayo Saldhiga iyo dekedda Berbera oo 1-dii bishan March lagu wareejiyay Shirkadda DP World.

Abaabulka xiisada looga soo horjeedo Dhismaha Saldhiga iyo Dekadda Berbera ayaa waxaa ka qeybqaadan doono Xildhibaano iyo Siyaasiyiin ka kala tirsan Golaha Wakiilada iyo Xisbiyada Mucaaradka Somaliland.

Abaabulka Xiisada ayaa ka danbeysay kadib markii Diyaarado ay leedahay Dowlada Imaaraadka ay Agab Militery ka dajisay magaalada Berbera oo qeybo kamid ah si dadban looga iibiyay Imaaraadka.

Sidoo kale, Abaabulka iyo Xiisada ay wadaan Ganacsatada iyo Siyaasiyiinta ayaa sii xoogeystay kadib markii Dowlada Imaaraadka ay Dekadda Berbera kusoo xirtay Markab sida Agabka dhismaha oo lagu dhisi doono Saldhiga dhawaan Berbera laga siiyay Dowlada Imaaraadka.

Maamulka Somaliland ayaa kordhiyay Ciidamada ka howlgala magaalada Berbera si ay u fashiliyaan Abaabulada ka dhanka ah Heshiisyada Imaaraadka loogu wareejiyay Dekadda iyo dhulka baaxada weyn ee dhawaan laga dhisi doono Saldhiga Millitery oo laga duqeyn doono Xuutiyiinta Yemen.

Si kastaba ha ahaatee, Dowlada Imaaraadka ayaa ku goodineysa inay adkeyn doonto amaanka magaalada Berbera oo laga qaadi doono duullaanka ka dhanka ah Xuutiyiinta Yemen.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News