Xog: Qorshe lagu kordhinayo ciidanka laga qeyliyey ee Haramcad oo si hoose uga socda Muqdisho + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Dugsiga tababarrada ciidamada boliiska Soomaaliya ee Jeneraal Kaahiye oo ku yaalla magaalada Muqdisho waxaa todobaadyadii lasoo dhaafay ka bilaawday abaabulka dhalinyaro hor leh oo lagu biirinayo ciidanka booliska gaarka ah ee Haramcad.

Dhalinyarada qoraneysa ciidankaas ayaa maalin kasta xaadirta dugsiga Jeneraal Kaahiye, waxaana qoritaanka ciidankaas barbar socda tababar maalin kasta gudaha dugsiga lagu siiyo intii loo qaatay inay ka mid noqdaan Haramcad.

Saraakiil ciidan ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in howshan uu gacanta ku hayo Taliyaha Haramcad Farxaan Qaroole, isla markaana uu qoritaanka ciidankaas si ku meel gaar ah uga bilaawday xerada Jeneraal Kaahiye oo ku talla degmada Xamar-jajab ee gobolka Banaadir.

Sarkaal u xog-waramay Caasimada Online ayaa muujiyey shaki la xariira sababta xilligaan ku soo beegtay qoritaanka ciidankaan ku biiraya Haramcad iyo hanaanka loo wajahayo dhismahooda.

Ciidanka hadda howlgala ee Haramcad, waxaa tiradooda lagu qiyaasaa 900, waxaana tababaray Turkiga, waxaa hoggaamiya sarkaal lagu magacaabo Farxaan Qaroole, waxaana hanaanka ay u howlgalaan walaac badan ka muujiyey madaxda maamul goboleedyada qaar iyo midowga musharaxiinta xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Sidoo kale saraakiisha aan wareysanay waxay muujiyeen inuu jiro mad-madow iyo daah-furnaan la’aan badan oo ka dhex muuqata qorshaha lagu kordhinayo ciidamada booliska gaarka ah ee Haramcad, oo marar badan lagu xagliyey in xukuumadda madaxweyne Farmaajo ay si gaar ah u adeegsato.

Ciidanka Haramcad ayaa tan iyo markii lagu wareejiyey dowladda Soomaaliya waxay ka howlgaleen Muqdisho iyo qaar ka mid ah gobollada dalka, waxaana magaalooyinka la geeyey ka mid ah Jowhar oo ay bilo ka hor ka dhacday doorashadii Cali Guudlaawe, Beledweyne oo loo diiday inuu tago Cali Guudlaawe, Dhuusamareeb oo ay ilaaladii hoggaankii Ahlu-Sunna kula dagaalameen iyo magaalooyin kale.

Habka ay u fuliyaan howlgallada iyo siyaasadda lagu maamulo ciidanka Haramcad ayaa shaki iyo wal-wal badan ku abuurtay mucaaradka dowladdan mudo xileedku ka dhamaaday iyo qaar ka mid ah madaxda maamul goboleedyada dalka.

Golaha Midowga Musharaxiinta oo dhawaan awood ciidan looga fashiliyey banaanbax nabadeed oo ay soo abaabuleen ayaa Turkiga uga dacwooday qaabka ay dowladda federaalku u adeegsaneyso ciidanka uu u tababaray ee Gorgor iyo Haramcad.

Sidoo kale madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa khudbad uu bishii hore ka jeediyey Garowe waxa uu ku soo hadal qaaday qaabka ay u howlgalaan ciidanka Haramcad, isagoo ku tilmaamay kuwo manaxayaal ah oo si gaar ah uu u adeegsado madaxweyne Farmaajo, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa dhowr jeer soo hadal qaaday ciidankaan Haramcad, isagoo naqdinaya hadafka ay ku howlgalaan.

Haramcad, inta badan waxaa hadda loo diraa oo ay ka howlgalaan goobaha ay ka taaganyihiin xaaladaha adag, sida weerarrada argagixiso.

Sidoo kale waayihii dambe cutubto ka tirsan ciidankaan waxay sugayeen ammaanka injineerada iyo shaqaalaha dhisaya laamiga gaba-gabada maraya ee isku xira Muqdisho iyo Afgooye.

Al-Shabaab ayaa intii uu socday dhismaha laamigaas waxay geysteen weerarro badan oo ay ku bexeen askar, injineero, shaqaale kale iyo shacab intaba, balse waxaa Haramcad lagu ammaanaa in waayihii dambe ay aad  xakameeyeen weerarradaas, kuwo badana ay fashiliyeen.

Hoos ka eeg sawirrada dhalinyarada ku biireysa Haramcad