Kenya oo si yaab leh weerar ka dhacay magaalada Nairobi ugu adeegsatay kiiska badda

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa si layaab leh ugu adeegsatay weerarkii Al-Shabaab ay ku qaaday hotelka DusitD2 ee Nairobi dooddeeda kiiska dacwadda badda ee dhageysigiisu ka socdo maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda (ICJ).

Kenya ayaa qaadacday inay ka qeyb gasho dhageysiga dacwadda, hase yeesee waxaa maxkamadda yaalla dokumentiyo ay u gudbisay, halkaasi oo qeyb ka mid ah doodaheeda ay ku jirto weerarkan Nairobi ka dhacay 15-kii Janaayo 2019.

Kenya ayaa maxkamadda ka codsatay in kiiska badda aan loo xukmin Soomaaliya, waxayna sheegtay in haddii sidaas ay dhacdo ay muwaadiniinteeda halis ugu jiri doonaan weeraro argagixiso, waxayna tusaale usoo qaadatay weerarkii DusitD2.

Ma cadda waxa iska galay kiiska badda iyo weerarada argagixiso, hase yeeshee tani waa astaan kale oo muujineysa sida Kenya aysan u haysan wax dood oo sharci ah oo ay ku qaadan karto badda Soomaaliya.

Kenya ayaa saddex goor horey u codsatay in kiiska dib loo dhigo, ayada oo laba mar laga aqbalay, balse markii saddexaad lagu gacan seeray taasi oo horseeday inay qaadacdo ka qeyb-galka kiiska.

Doodda la xiriirta weerarka DusitD2 ayaa ku biireysa doodo kale oo lagu qoslo oo horey Kenya ay qiil uga dhigatay, ayada oo mid ka mid ah sababaha ay u qaadacday dhageysiga ay ahayd inaysan haysan lacag ay siiso qareenada, xilli la ogyahay inay dhaqaale ahaan ka wanaagsan tahay Soomaaliya.