Wasiir Xundubey oo la kulmay ra’iisul wasaaraha QATAR

Dooxa (Caasimada Onine) – Wasiirka amniga gudaha xukuumadda Soomaaliya, Xasan Xundubey Jimcaale oo ku sugan Dooxa ayaa la kulmay ra’iisul Wasaaraha Qatar, ahna wasiirka arrimaha dibadda dalkaasi Sheekh khaalid Bin Khaliifa bin Cabdiaziiz Al Thaani.

Labada mas’uul oo yeeshay kulan saacado badan qaatay ayaa ka wada-hadlay arrimo ku aadan xoojinta xiriirka labada dalka ee Soomaaliya & Qatar.

Wasiir Xundubey oo kulanka ka hadlay ayaa uga mahad-celiyey Qatar taageerada joogtada ah ee ay siiyo dowladda federaalka & shacabka Soomaaliyeed.

“Waxaana aan ka wada hadalnay iskaashiga amniga ee labada dal ee Soomaaliya iyo Qatar, anigoo kaga mahad-celiyay taageerada dowlada Qatar ay la garab taagantahay shacabka iyo xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya.” ayuu yiri wasiir amniga Soomaaliya.

Xasan Xundubey oo maalmahan ku sugnaa dalkaasi Qatar ayaa sidoo kale kulamo la yeeshay mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan xukuumadda Dooxa

Qatar ayaa ka mid ah dalalka sida dhow u taageero dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, iyada oo mashaariicyo kala duwan ka fuliso gudaha dalka.