Maxaa ka jiraa in dowladda KENYA lagala wareegayo dekedda MOMBASA?

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa markii u horeysay beenisay warar isasoo tarayay oo sheegayay inay qarka u saaran tahay inay lumiso dekedda weyn ee Mombasa, islamarkaana uu kala wareegayo Shiinaha.

Wasiirka maaliyadda Kenya, Ukur Yatani ayaa arrintaas waxba kama jiraan ku sheegay, isagoona meesha ka saaray in dowladda Shiinaha kala wareegayso dekedda weyn ee Mombasa sababo la xiriira deymo uu ku leeyahay Shiinaha oo dhisay mashruuca khadka tareenka.

Yatani ayaa sidoo kale waxa uu ‘mid waxbo kama jiraan ah oo marin habaabin ah’ ku tilmaamay wararka sheegaya in Kenya ay deymaha Shiinaha iskaga bixineyso dekeddaas, ayada oo meesha looga saaray ‘Gebi ahaanba halista in Shiinaha ama dal kale uu la wareegayo dekedda Kenya’.

Wuxuu intaas ku daray in deynta tareenka ee Shiinaha ‘aanan lagu bixin karin lacago kale ama ay bixiyaan ha’yado kale iyadoo uusan ansixin baarlamanaka’.

Hadalkaan ayaa imanay ayada oo maalintii shalay uu Wargeys maxali ah ku warramay in Shiinaha uu la wareegi karo dekedda weyn ee Mombasa, haddii dowladda Kenya ay ku guul-dareysato inay iska bixiso deynta Shiinaha oo lagu sheegay inay gaareyso 3.2 bilyan oo doolarka Mareykanka ah.