Maxay ka wada-hadleen Deni iyo Jabriil? + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Jabril Ibrahim Cabdulle oo kamid ah Murashaxiinta xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa kulan xasaasiya ah la qaatay madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Saciid Deni oo ku sugan magaalada Muqdisho.

Kulankaan oo qaatay muddo saacado ah ayaa waxay kaga wada-hadleen labada mas’uul xaalada cakiran ee dalka iyo wada-hadalka doorashada ee la filayo inuu dhawaan qabsoomo, taasi oo caasimada u yimid madaxweynaha Puntland.

Waxaa uu kulankaan qeyb ka noqonaya kulamo gooni-gooni ah oo uu Musharax Jabriil uu la qaadanayo dhamaan Siyaasiyiinta kala, Madaxda dowladda federalka ah, Maamul-gobaleedyadda iyo Bulshada rayidka ah.

Jabriil ayaa u muuqda musharaxa keliya ee maalmihii u dambeeyay dadaal xoogan ugu jira sidii dalka uga dhici laheyd doorasho wada-ogol ah oo dhinacyada is-haya ay raali ku yihiin.

Musharaxa oo kamid ah musharaxiinta ugu cad-cad ee u tartamaya xilka madaxweynaha ayaa waxa uu hore ugu baaqay inay tanaasul sameeyaan madaxda dowladda iyo kuwa maamulada, asagoona ka digay in danta gaarka ah laga hormariyo danta guud ee dalka.

Kulankan ayaa kusoo aadaya xili ay meel adag mareyso xiisada doorashada oo ay isku hayaan dowladda federaalka, maamulada iyo midowga musharaxiinta, ayada oo uu dhamaaday muddo xileedkii sharciga ahaa ee dowladda.