Yaa sanadkaan doorashada kula tartamaya GEELLE?

Jabuuti (Caasimada Online) – Dalka Jabuuti ayaa waxaa lagu wadaa in 9-ka bisha April ee sanadkaan 2021 ka dhacdo Doorashada Madaxtinimada dalkaas, ayada oo dhawaan si rasmi ah u furmayo ololaha doorashadaas.

Diyaar-garowga doorashada ayaa si weyn uga socda Jabuuti, waxaana doorashada todobaadyo kadib ka dhaceysa dalkaas, waxaana ku tartamaya Madaxweynaha tallada haya ee Ismaaciil Cumar Geelle iyo Musharax kale oo saaxada ku cusub.

Liiska tartamayaasha ayaa waxa soo gudbiyay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, waxaana ugu dambeyn saxiixay Madaxweynaha talada haya, waxayna u dhigan yihiin sidan;

1-Ismaaciil Cumar Geelle: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti ahna Murashaxa Xisbiga PRP.

2-Sakariye Ismaaciil: oo ah Murashax madax bannaan sida ku xusan Sooyaalkiisa.

Ismaaciil Cumar Geelle oo ah Madaxweynihii labaad ee Taariikhda Jamhuuriyadda Jabuuti soo maray tan iyo xornimadii Gumeystihii Faranasiiska oo haatan laga joogo muddo dhan 44-sano, kala bar waxaa hoggaanka u haya Madaxweyne Geelle.

Geelle ayaa ku dooda inta badan inuu horumar balaaran ka sameeyay Jabuuti tan iyo intii uu talada hayay, wuxuuna dhowr jeer kalsooni ka muujiyay doorashada inuu kusoo bixi doono maadama horumar, waxqabad & hoggaan wanaag uu ka sameeyay Jabuuti Muddada 22-sano uu xilka hayo.

Madaxweynaha Jabuuti ayaa waxaa badanaa lagu eedeeya in uusan diyaar u aheyn inuu wareejiyo tallada dalka, islamarkaana uu sameeyo doorasho gacan ku rimis ah oo indhaha iskaga jeediyo bulshada, wallow uu iska fogeeyay eedeymahaas.