Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa isa soo taraaya wararka la xiriira qorshaha ay Dowlada Imaaraadka Carabta ku dooneyso Hanashada maamulka Doorashooyinka Somalia tan iyo markii ay kulmisay Hogaamiyayaasha Gobolada Somalia.
Qorshooyinka ay Dowlada Imaaraadka wadato ayaa waxaa kamid ah in dhammaan dhinacyada ay khuseyso doorashooyinka Somalia ay dhaqaale culus ku fardhiso si Madaxweynaha Somalia ay uga dhigto shaqsiga ay dooneyso.
Qorshaha labaad ee Imaaraadka Carabta mar ka laga soo tago Hogaamiyayaasha Maamulada dalka ayaa ahaa kasbashada Guddoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka dadban ee Somalia Cumar Maxamuud Cabdulle ”Cumar Dhagey” oo loo arko inuu fashilinkaro soo bixitaanka Xassan Sheekh, waxaana la xaqiijiyay in Imaaraadka uu ku fashilmay in Cumar Dhagey ay ku indha sarcaadiyaan lacago culus.
Imaaraadka oo si gaara u daneynaaya Guddoomiyaha Guddiga ayaa waxa uu wakiilo usoo diray Guddoomiyaha si looga soo saaro garabka Xassan Sheekh, hayeeshee waxa uu fashilka imaaday kadib markii Cumar Dhagey uu ka hor imaaday in howlaha khuseeya Doorashooyinka uu kala xaajoodo Imaaraadka iyo Siyaasiyiin Soomaali ah oo Dowladaasi garab ku siinaaya kala dirista Xassan Sheekh iyo kuwa garabka u ah.
Cumar Dhagey oo saaxiib dhow la ah Madaxweyne Xassan ayaa diiday in la marin habaabiyo howlaha Doorashooyinka waxa uuna iminka xoojiyay xiriirka Xassan si aan loo tuhmin.
Cabsida ugu weyn ee iminka taagan ayaa ah in Dowlada Imaaraadka ay heshiisyo qarsoodi ah la gasho Xubnaha Guddiga Doorashooyinka ee ka hooseeya Cumar Dhagey kuwaasi oo la sheegay inay u jilicsan yihiin Imaaraadka.
Arrimahaani is biirsaday ayaa muujinaaya in Dowlada Imaaraadka ay faragalin lixaad leh ku heyso qorshooyinka doorasho ee u degsan Xassan Sheekh, taa oo suuragalin karta in Xassan uu meesha ka baxo.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

