26.5 C
Mogadishu
Wednesday, July 16, 2025

Xog: Qorsho lagu dib dhigayo doorashada madaxweynaha Somalia oo Villa Somalia ka socda

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho(Caasimada Online) – Warar hoose oo aan ka heleyno Madaxtooyada Somalia, ayaa sheegaya in halkaasi uu ka socdo shir lagu doonaayo in lagu dib dhigo doorashada Madaxtinimo ee la filaayo in Somalia ay ka dhacdo bishan November 30-da.

Shirkaani ka socda Madaxtooyada Somalia, ayaa waxaa hogaaminaaya Madaxweyne Xassan, waxaana qeyb ka ah xubno gaara oo ka tirsan Guddiga doorashooyinka dadban ee heer Federaal oo ay wehlinayaan Siyaasiyiin ku dhowdhow Xassan Sheekh.

Baahida shirkaani qarsoodiga ah ee lagu dhalanrogaayo Jadwalkii hore ee doorashooyinka ayaa timid kadib markii Madaxweyne Xassan uu dhaliil ka muujiyay wakhtiga ka harsan Doorashada iyo howsha ka socta Caasimadaha maamul Goboleedyada ee lagu soo xulaayo Xildhibaanada Cusub.

Madaxweyne Xassan waxa uu Xubnahaasi hordhigay inay kasoo jawaab bixiyaan qorshaha cusub ee lagu kordhinaayo xiliga doorashada Madaxtinimo.

Madaxweyne Xassan ayaa soo jeediyay in muddo 25 cisho ama bil lagu darro xiliga doorashada, isagoo marmarsiyo ka dhigaaya in wakhtiga uu yahay mid aad u yar isla markaana lagu qabankarin doorashada.

Xubnaha Guddiga oo kaashanaaya Siyaasiyiin ku dhow dhow Madaxweyne Xassan ayaa isla qeexayo go’aan ka gaarista dalabka Xassan Sheekh.

Guddiga ayaa loo badinayaa inay aqbali doonaan qorshaha cusub ee lagu dib dhigaayo doorashada, waxa uuna Madaxweyne Xassan mudadaasi dheeriga ah kusii diyaarsanayaa ololaha qabyada u ah.

Geesta kale, Guddigaani oo u badan kuwo lagu soo xulay hoos iska taabat ayaa muddo dheeri ah u sameyn doona Xassan Sheekh.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News