Xog: R/W Rooble oo baajiyey safarkii maanta ee Garoowe

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka baaqday safar la qorsheeyey inuu maanta ku tago magaalada Garoowe, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u xaqiijiyeen Caasimada Online.

Rooble ayaa qorshuhu ahaa inuu Garoowe wada-hadallo saddex geesood ah kula yeesho madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, iyo madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam oo isna ku sugan magaalada.

Rooble ayaa horey uga codsaday madaxweynaha Jubaland inuusan ka tegin Garoowe, si ay wada-hadallo saddex geesood ah u yeeshaan, taasi oo uu Axmed Madoobe aqbalay.

Si kastaba Axmed Madoobe ayaa la filayaa inuu maanta ka tago Garoowe kuna laabto Kismaayo kadib baaqashadii ku timid safarka ra’iisul wasaaraha.

Illaa iyo hadda ma cadda sababta uu Rooble maanta u baajiyey safarkiisa Garoowe, balse waxaa lagu warramay inuu xalay sidaas ku wargeliyey madaxweyne Saciid Deni.

Safarka Garoowe ayaa weli taagan, balse waxaa lagu warramay in waqti cusub uu soo qabsan doono ra’iisul wasaaraha. Rooble ayaa sidoo kale sidii markii horeba qorshaha uu ahaa safar kale ku tagi doona Kismaayo.

Safaradan ayaa qeyb ka ah kuwa uu Rooble ku marayo caasimadaha dowlad goboleedyada oo ujeedkoodu yahay inuu ku cadaadiyo inay dedejiyaan doorashada golaha shacabka.

Xildhibaanada golaha shacabka ayaa waxaa illaa hadda la doortay laba xubnood oo kaliya oo ah kuwa gobollada waqooyi, ayada oo Galmudug iyo Koonfur Galbeed ay shaaciyeen kuraas dhowr ah oo ay doorashadooda qabanayaan.

Hase yeeshee, Golaha Midowga Murashaxiinta Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed ay soo saraeen uga horyimid qaabka loo wado doorashada golaha shacabka, ayaga oo sheegay inaysan aqbali doono doorasho aan jadwalkeedu caddeyn.

Golaha ayaa ku baaqay in la helo jadwal doorasho oo mideysan oo ay ku caddahay taariikhda billawga doorashada xubnaha Golaha Shacabka iyo dhammaadkeeda.

“Goluhu ma aqbali doono doorasho aan jadwalkeedu caddeyn oo maalinba kuraas tiro yar la shaacinayo. Wuxuu kaloo aqbali doonin doorasho la boobo, lagu shubto oo beelihii xaqa u lahaa kursiga la dulsaaro dad aysan iyagu soo dooranin,” ayaa lagu yiri qoraalka.