Dowladda Sacuudiga oo shaacisay inay dib u furtay safaaradeedii Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa ku dhawaaqday Jimcihii shalay dib loo furay Safaaradda Boqortooyada Sacuudiga ee Soomaaliya.

Wasaaraddu waxay sheegtay in ay ka mahadcelineyso dadaalka dowladda Soomaaliya ee fududeynta dib u furista safaaradda Boqortooyada Sacuudiga ee Muqdisho ‘taas oo xaqiijinaysa xiriirka qotada dheer ee labada dal.’

Sidoo kale Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya, waxay sheegtay inay rajaynayso inuu sii xoogeysto iskaashiga Sucuudiga iyo Soomaaliya, si labada dal iyo dadkoodu ay u gaaraan kobac iyo barwaaqo badan.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay safaarad ugu laheyd dalka Sacuudiga, balse Sacuudiga ayaan hadda ka hor dib u furin safaaradiisa Muqdisho, kadib burburkii dowaldii dhexe ee Soomaaliya.

Boqortooyada Sacuudiga waxay ka mid tahay dowladaha dhaqaale ahaan taageera Soomaaliya, balse mararka qaar madmadow ayaa ku jiray xiriirka labada dal afartii sano ee Farmaajo hoggaaminayey Soomaaliya.