Xog: R/Wasaare Rooble oo ka gudbay shuruud adag oo ay hordhigeen Imaaraadka

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble lagu qasbay inuu meel fagaare ah ka raali geliyo dowladda Imaaraadka Carabta, taasi oo uu shalay sameeyey.

Sida aan ogaanay, tan iyo markii Ra’iisul Wasaare Rooble isku howlay inuu dib u soo celiyo xiriirka Soomaaliya iyo dowladda Imaaraadka Carabta, sidoo kalena Imaaraadka Carabta ay gacan uga gaystaan caawinta dadka abaaruhu saameeyeen, ay Imaaraadka Carabta dalbadeen in Soomaaliya ay ka garowdo khaladaadkii ay gaysatay.

Sida ay xog ku heshay Caasimada Online, Imaaraadka Carabta ayaa Rooble ka dalbaday inuu meel fagaare ah uu raali gelin uga bixiyo bahdilkii ay u geysatay dowladii ay hoggaaminayeen Farmaajo iyo Kheyre, sanadkii 2018-kii, markii ay garoonka Muqdisho kula wareegeen lacag loo siday mushaharka ciidamadii Soomaaliya ee ay tababari jireen Imaaraadka.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo fulinaya dalabka Imaaraadka ayaa shalay galab fagaaraha garoonka Aadan Cadde raali gelin ku siiyey shacabka iyo dowladda Imaaraadka, isagoo ka guddoomay gargaar raashin ah oo lagu caawinayo dadka Soomaaliyeed ee abaarta daran ku wajahaya gobollada dalka.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ballan qaaday in lacagta ay Soomaaliya kala wareegtay Imaaraadka oo gaareysa 9.6 milyan, islamarkaana ku jirta gacanta dowladda lagu wareejin doono dowladda Imaaraadka waqtiga ugu dhaw.

Rooble oo dowladda Imaaraadka uga mahad-celiyay garab istaaggeeda Shacabka Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay ka go’atahay xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee labada dal ee walaalaha ah.

3-dii sano ee lasoo dhaafay waxaa meesha ka baxday saameyntii Imaaraadka ee siyaasadda Soomaaliya, taas bedelkeedna siyaasadda gudaha ee Soomaaliya waxaa afartii sano ee Farmaajo xukunka joogay aad ugu milneyd dowladda Qatar.

Qatar ayaa lacag badan, oo aanay arag shacabka balse ku koobneyd Villa Somalia iyo Farmaajo, ku bixisay dalka intii uu xukunka joogay Farmaajo, lawaxaana la rumeysan yahay inay hadda dooneyso in dhaqaale xoog leh ay ku bixiso dib u doorashada Farmaajo.

Dowladda Imaaraadka weli kama jawaabin raali-gelinta ay bixisay xukuumadda Soomaaliya, waxayna dad badan is weydiinayaan, Raali gelinta Ra’iisul Wasaaraha ma sababi doontaa in Imaaraadku sanadkaan saameyn ku yeesho doorashada Soomaaliya?

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii