24.2 C
Mogadishu
Wednesday, July 30, 2025

Xog: Rag cadaan ah oo suxufiyiin iska dhigay oo qorshe kale u tagay Cadado

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Cadaado (Caasimada Online) – Caasimada Online ayaa ogaatay in rag cadaan oo iska dhigay inay yihiin rag wariyayaal ah ay tageen magaalada Cadaado kuwaasi oo u kuur galayay amaanka magaaladaasi.

Wararka ayaa sheegaya in dadkaasi ay iska dhigeen inay yihiin Waryaal u shaqeeya mid ka mid ah wakaalada caalamka ayna doonayeen inay warbixino ka diyaariyaan magaalada Cadaado ee xarunta maamulka Ximan iyo Xeeb.

Ragaasi ayaa la sheegay inay ahaayeen dad sirdoono ah oo doonayay inay ka hadlaan amaanka magaalada Cadaado maadaama la qorsheynayo in lagu qabto shirka maamul usameynta gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya.

Waxaa la sheegay inay Sawiro la galeen mid kamid ah kooxaha burcad badeeda oo si weyn loo doon doonayo, taasi oo ay ku muujinayeen in amaanka magaalada aan la isku haleyn mar haddii lasoo dhaweystay ruuxaasi ka tirsan Burcad badeeda.

Dhanka kale Caasimada Online ayaa heshay xogo ku saabsan in ciidamada Jabuutiyaanka ay u gudbaan magaalada Cadaado si amaanka magaaladaasi wax looga weydiiyo.

Inkastoo aan xiriiro kala duwan la sameynay maamulka Ximan iyo Xeeb haddana masuuliyiinta qaarkood oo aan la hadalnay wey ka gaabsadeen inay arimahaani xogo naga siiyaan.

Caasimada Online
Xafiiska Galgaduud
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News