26.7 C
Mogadishu
Tuesday, July 8, 2025

KHILAAF ka dhex taagan madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sambaloolshe (Xog)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar hoose oo ay heshay Caasimada Online, ayaa sheegaya in khilaaf xoogan uu xiligan ka dhex taagan yahay madaxweynaha jamhuuriyada federaalka ah ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud iyo agaasimihii hore ee hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Somalia C/llahi Sambaloolshe.

Siyaasiyiin la hadlay Caasimada Online ayaa carabaabay in Khilaafka uu dhashay kadib markii Madaxweynaha uu ka dhego adeegay codsiyo dhowr ah oo kaga imaaday dhanka Sambaloolshe.

C/llaahi Sambaloolshe ayaa ka dalbaday Xasan Sheekh fulinta dhowr arrin oo ay ka mid tahay in loo dhiibo agaasinka guud ee Madaxtooyada Somalia bacdamaa uu ku guul dareestay hamigii ahaa kamid ahaanshaha xukuumada Ra’isul wasaare Cumar Cabdirashiid.

Madaxweyne Xasan ayaa isna xiligaani Sambaloolshe u arka inuu yahay siyaasi aan shacbiyad ku dhex laheyn Siyaasada dalka, kadib markii awgiisa loo fashiliyay xukuumadii kalsoonida ka weysay BF Somalia.

Arrintaani ayaa kusoo beegmeysa xili Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud uu saaxiibadiisa ku waayay dhismaha Xukuumada Ra’isul wasaare Cumar Cabdirashiid Cali.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News