Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo, ayaa sheegaya in Odayaal dhaqmeed halkaasi kasoo jeeda ay dacwad adag ka gudbiyeen Hogaamiyaha Maamulka Jubba Axmed Madoobe iyo Ku-xigeenkiisa Fartaag.
Wararku waxa ay tibaaxayaan in Dacwadaani loo gudbiyay Saraakiisha Ciidamada Kenya ee qeybta ka ah AMISOM, waxa ayna dacwadaasi tahay mid la xiriirta kiisas dilal ah oo uu geystay Hogaamiyaha Kooxda Axmed Madoobe.
Kiisaska dacwada ayaa u badan Ciidamo uu si barer ah u dilay Axmed Madoobe iyo kuwo lagu dilay qaab shirqool ah, waxaana jira warar sheegaya in Dacwadaani ay ka dambeysay kadib balanqaad uu Axmed Madoobe uga baxay Odayaasha.
Dhanka kale, Odayaasha ayaa iminka Jawaab uga fadhiya Saraakiisha Kenya ka jooga Kismaayo oo iyagu dacwadaasi loo gudbiyay bilowga bishaani.
Inta badan Magaalada Kismaayo ayaa waxaa ka dhaca dilal kala duwan kuwaasi oo badi u dhaca qaab shirqool, waxaana fuliya Maleeshiyaad taabacsan Axmed Madoobe.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com