Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Somalia Cabdiqaasim Salaad Xassan ayaa waxa uu si adag uga hadlay Dagaalada soo laalabtay ee mudooyinkaani dambe ka socda Gobolada dalka Somalia.
Cabdiqaasim Salaad Xassan ayaa sheegay in dagaaladaan ay ka dambeeyaan shaqsiyaad aan u bisleyn Dowladnimada Somalia, waxa uuna tilmaamay in dagaaladaasi badi loo adeegsado shaqsiyaad hubeysan oo iyaguna kasoo horjeeda Somalia oo laga dhaqan galiya Dowlad waarta.
Sidoo kale, waxa uu dagaaladaasi ku tilmaamay kuwo ayaan daro ah, laguna daadiyo dhiigga dadka shacabka ah ee waxba galabsan.
Waxa uu tilmaamay in qaabka ugu sahlan ee lagu xalinkaro ay tahay in DF Somalia ay sameyso Barnaamijyada Wacyigalinta ah oo Shaqsiyaadkaasi lagu baro waxa ay tahay Dowladnimada.
Waxa uu sheegay in loo baahan yahay in Odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ay xaliyaan dagaaladaasi, dowladda Soomaaliyana ay kor ka maamusho.
Cabdiqaasim ayaa ku baaqay in meel looga soo wada jeesto cid walba oo doonaysa in dalka ay dagaal ka huriso, islamarkaana shacabka aan la dooneyn dowladnimo iyo kala dambeyn.
Dhinaca kale, waxa uu DF Somalia ku dhiiragaliyay inay sii laba jibaarto qaabka ay iminka u wado Barnaamijyada Nabadeynta ah ee ka socda Gobolada Somalia qaarkood.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]