Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo wareedyo ka tirsan Villa Somalia, ayaa sheegaya in Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud uu xiligaani xanuunsan yahay.
Ilo wareedka ayaa xaqiijiyay in Madaxweynuhu uu iminka ku jiro xaalad nasiino, islamarkaana loo soo qoray in muddo uu ka nasto Buuqa iyo Siyaasadaha jahwareerka ku riday.
Sidoo kale, Ilo wareedka ayaa intaa kusii daraayo in Madxaweynaha uu Villa Somalia ku dhex qaadanaayo dawooyin, waxaana xanuunkiisa lagu sheegay inuu yahay mid dhanka wadnaha ah, kaasi oo mudooyinkaani dambe uu la daala-dhacaayay.
Caafimaadka Madaxweynaha ayaa waxaa iminka gacanta ku hayo Saraakiil caafimaad oo kasoo jeeda dalka Turkiga kuwaasi oo marba marka xigta daraaseynaaya caafimaadka Madaxweynaha.
Xasan Sheekh ayaa Bishii hore ka soo laabtay dalka Jarmalka oo uu xaalad Caafimaad u tagay, waxa uuna wakhtigaasi sheegay inuu Is hubinayay maadaama uu hawl culus hayo,da’diisuna sii kordhayso.
Dhanka kale, xanuunkaani ayaa waxa uu kusoo aadayaa xili Madaxweyne Xasan Sheekh maalmahaani dambe lagu arag saxafada iyo Fagaarayaasha Siyaasada.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

