Rag qaraxyo fulin rabay oo gacanta lagu soo dhigay

Caad (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal ay maanta ciidamada Xoogga dalka ka sameeyeen qaybo ka mid ah gobolka Mudug.

Howlgalkaas oo ka dhacay agagaarka deegaanka Caad ayaa waxaa lagu soo qabtay laba xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab oo waday walxaha qarxa.

Guddoomiye ku xigeenka maamulka deegaanka Ceel-huur Maxamed Aadan oo u warramay warbaahinta dowladda ayaa xog ka bixiyay raggaasi qaraxyada lagu qabtay, wuxuuna sheegay inay kasoo bixi jireen Jeex-jeex, kadibna ay miinooyin u dhigi jireen ciidamada.

“Nimanka la qabtay waxay kasoo tagi jireen Jeex-jeex waxay miinooyinka usoo qaadi jireen waddada soo aada magaalada Caad” ayuu yir guddoomiye ku xigeenku.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in xilliga la qabanayay ay ku howlanaayeen aasidda miino, kadibna laga war helay, sidaasna gacanta loogu soo dhigay.

“Laba nin ayay ahaayeen oo qarax dhigayay, waxaan qabanay iyaga oo jidka waardiye ka haayo” ayuu mar kale wareysiga ku yiri guddoomiye Maxamed Aadan.

Waxaa kale oo uu hadalkiisa ku daray “Xittaa in la qabto waa diideen muddo hal saac iyo bar ayaa la eryanaayay”.

Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ayaa weli howlgallo culus ka wada koonfurta gobolka Mudug, kuwaas oo dhul ballaaran looga qabsaday kooxda Al-Shabaab.

Howlgalkii ugu dambeeyay oo ay iska kaashadeen ciidamada dowladda iyo saaxibada caalamiga ah ayaa xalay ka dhacay deegaanka Jeex-jeex, kaas oo kooxda looga dilay ku dhowaad 50 ka tirsanaa maleeshiyadeed, xilli ay isku uruursanayeen halkaasi.