C/Weli oo ku wajahan UK + Qorshihiisa

Muqdisho (Caasimada Online) – War hoose oo aan ka heleyno Xafiiska Ra’isulwasaaraha Dalka C/weli Sheekh Axmed, ayaa sheegaya in Ra’isulwasaaraha iyo Wafdi uu hogaaminayo ay gaari doonaan Dalka Britain.

Ilo-wareedka aan warkaani kasoo xiganay ayaa waxa uu inoo xaqiijinayaa in halkaasi ay uga qeybgali doonaan shir caalami ah oo looga hadlay  amniga.

Sidoo kale waxaa shirkan ka qeyb gali doono wafuud ka socota Ethiopia iyo wadamo kale oo Afrikaan ah, gaar ahaan kuwa ay Ciidamada ka joogan Dalka Somalia.

Socdaalka la filaayo inuu halkaasi ku gaaro Ra’isulwasaaraha, ayaa waxaa barbar socon doona Kulamo gaar gaar ah uu halkaasi kula qaaan doono Madaxda Wadankaasi Britan iyo kuwa Afrikaanka halkaasi shirka uga qeybgali doono.

Lama Oga inta maalin oo ay qaadan doonto Safarka Ra’isulwasaaraha balse warar hoose ayaa sheegaya in ugu yaraan uu maqnaan doono Mudo asbuuc ah.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com