Xog: Rooble oo diiday codsi ka yimid FARMAAJO oo ku saabsan shirka Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo wareedyo kala duwan oo ka tirsan Villa Somalia ayaa Caasimada Online u sheegay in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu codsaday in uu ka qeybgalo shirka maanta ka furmay Muqdisho.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Ra’iisul Wasaarihiisa Maxamed Xuseen Rooble u sheegay in maadaama heshiis laga gaaray doorashada Soomaaliya, islamarkaana shirka hadda qabsoomaya uu yahay mid farsamo iyo dardar gelinta doorashada uu Madaxweynaha daneynayo in uu ka qeybgalo si uu ula dardaarmo madaxda maamullada iyo mas’uuliyiinta kale ee ka qeybgalaya. 

Farmaajo ayaa sidoo kale doonayey in niyad-wanaag iyo is-cafis la sameeyo kahor doorashada dalka, si rajada shacabka sare loogu qaado.

Xogta aan helnay ayaa tilmaameysa in Ra’iisul Wasaare Rooble uu Madaxweynaha u sheegay in ka qeybgalkiisa ay abuuri karta xasarad siyaasadeed oo cusub, islamarkaana uu dhalan karo khilaaf siyaasadeed oo markale saameeya doorashada Soomaaliya. 

Cadaadis badan kadib Madaxweyne Farmaajo ayaa ku qancay soo jeedintii Ra’iisul Wasaaraha,  waxaana la sheegay in uusan ka qeyb-geli doonin balse waxa uu Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Madaxweynaha u ballan qaaday in uu la kulansiin doono Maamul Gobaleedyada dalka oo intooada diidan Madaxweyne Farmaaajo. 

Shirkii la filayay in uu maanta ka qabsoomo Muqdisho ayaa u baaqday qaadacaad uu sameeyey madaxweynaha HirShabelle Cali Guudlaawe, oo dalka Turkiga ku maqan.  

Sababta rasmiga ah ee uu Guudlaawe u qaadacay shirka halkan ka aqriso.