Xog: ROOBLE oo hal qodob kula heshiiyay Axmed Madobe iyo Saciid Deni ka hor shirka

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble uu madaxda maamullada Puntland iyo Jubaland kala hadlay arrimo ku saabsan ciidanka la socda. 

Rooble ayaa labadaan maamul ka dalbaday in aysan saxaafada usoo bandhigin ciidanka la socda, islamarkaana uu damanaad qaadayo in ciidanka AMISOM ay sugi doonaan ammaanka goobta shirka. 

Inkastoo labadaan hogaamiye ay la socdeen ciidamo hubeysan, islamarkaana loo ogolaa ayaa haddana lagu heshiiyay in la yareeyo saameyntooda dhinaca warbaahinta amaba aan lasoo bandhigin markii ay ka soo dagaan garoonka Muqdisho. 

Sababta uu Rooble arrintaan u dalbaday ayaa lagu sheegay in uu kaga gol lahaa yareenta amaba joojinta sawirkii xumaa ee dhacay shirkii kan ka horreeyay kadib markii labada Madaxweyne la yimaadeen ciidamo aad u hubeysan, islamarkaana garoonka ka dhigtay meel la ciir ciiraya ciidamo hubeysan. 

Maxamed Xuseen Rooble ayaa isku dayaya in uu xakameeyo dhamaan waxyaabaha keeni kara in ay bixiyaan sawir colaad amaba shirka u ekeysiin kara mid aan waxba ka badalneen kuwii hore waxaana muuqata in uu ku guuleystay. 

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale doonaya inuu dhiso kalsoonida shacabka Soomaaliyeed, si ay u aaminaan in shirkan uu ka duwan yahay shirarkii hore, kana fishaan inuu guul ku dhammaan doono.

Shirkan ayaa waxa uu shirarkii hore uga duwan yahay iyadoo uu shirka hoggaaminayo Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble, meeshana ay ka baxday hoggaamintii Madaxweynaha waqtigiisu dhamamaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo la saaray mas’uuliyadda eeda fashilka shirka.

Waxaa aad u sareysa rajada laga qabo in shirkan uu guuleysto ayada oo loo heelan yahay in heshiis la gaaro, iyadoo aysan jirin xafiiltankii hore iyo kadeedkii siyaasadeed ee uu abuuray Farmaajo.