Dhimasho iyo dhaawacyo ka dhashay qarax ka dhacay magaalada Baydhaba caawa

Baydhabo (Caasimada Online) – Magaalada Baydhaba ee gobolka Bay waxaa caawa ka dhacay qarax geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, kaas oo noociisa lagu sheegay Bam-gacmeed.

Inta la xaqiijiyey laba qof ayaa ku geeriyootay, halka ugu yaraan shan kale oo isugu jira carruur iyo haween ay ku dhaawacmeen, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen dad ku sugnaa goobta uu qaraxu ka dhacay.

Qaraxa ayaa si gaar ah uga dhacay isgoyska Boqoleyda oo ku yaalla xaafadda Bardale ee magaalada Baydhabo. Waxaana qaraxa kadib goobta ka bilaabatay rasaas mudo socotay oo ay ridayeen askar goobta ku sugneyd.

Bartilmaameedka qaraxaas ayaa la aaminsan yahay inuu ahaa askar ku sugneyd goob qaadka lagu iibiyo oo ku taalla isgoyska Boqoleyda.

Ilaa shan  5-qof oo u badan caruur iyo haween ayaa dhaawacyadooda la gaarsiiyey cisbitaalka guud ee magaalada Baydhabo, halka laba qofna ay goobta ku geeriyootay.

Waxaa goobta ka baxsaday kooxdii Bam-gacmeedka ku weerartay askarta, sidoo kale weli ma kala cada in khasaare ka dhashay iyo in kale rasaastii ay fureen askarta ku sugneyd goobta lagu tuuray bambaanooyinka.