Xog: Rooble oo qorsheynaya xilal ka-qaadis jawaab u ah ciidanka la geeyey B/Weyne

Muqidsho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa qorsheynaya inuu qaado tallaabo jawaab u ah ciidamada uu madaxweyne Farmaajo shalay geeyey magaalada Beledweyne, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Tallaabooyinka uu qorsheynayo Rooble ayaa waxaa ugu weyn inuu isbeddel ku sameeyo taliyayaasha ciidamada, si uu gacanta ugu dhigo amniga dalka, ayada oo hadda ay muuqato in Farmaajo uu si buuxda gacanta ugu hayo ciidamada, kuwaas oo uu siyaasadda u adeegsanayo.

Heshiikii Golaha Wadatashiga Qaran ee 9-kii Janaayo Muqdisho lagu saxiixay ayaa waxaa ku jiray inaan ciidamada loo adeegsan siyaasadda, balse waxaa cad in qodobkaas uu jebiyey Farmaajo.

Sida aan xogta ku helnay, Rooble ayaa qorsheynaya in shirka golaha wasiirada ee toddobaadkan lagu beddelo taliyayaasha ciidamada qaarkood, ayada oo golaha wasiirada ay awood u leeyihiin soo-jeedinta isbeddelka ciidamada.

Qorshaha Rooble ayaa waxaa xalay tusmeeyey wasiirka arrimaha gudaha Jeneraal Mukhtaar oo sheegay in aysan xukuumaddu ka war qabin, islamarkaana aysan jirin cid kala tashatay Ra’iisul wasaaraha ciidanka la geeyey Beledweyne. 

Waxa uu sidoo kale sheegay in xukuumaddu ay go’aan ka soo saari doonto xiisada Beledweyne iyo qorshaha ka dambeeya ciidanka la geeyey, islamarkaana ay qaadi doonta tallaabo ka dhan ah.

Rooble ayaa mudda ka caga jiidayey inuu isku dayo inuu xilalka ka qaado taliyayaasha ciidamada, isaga oo u arkay mid meel xun gaarsiin kara dagaalka kala dhaxeeya Farmaajo, hase yeeshee waxaa hadda u cadaatay inaan laga fursan karin.

Farmaajo ayaa horey ciidamada ugu adeegsaday inuu ku boobo doorasho goboleedyadii Galmudug iyo Koonfur Galbeed, waxaana ciidanka Beledweyne la geeyey qorshahoodu yahay in lagu boobo kuraasta golaha shacabka ee taalla halkaas.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Rooble ayaa sidoo kale qaadi kara tallaabooyin kale oo ka baxsan beddelka taliyayaasha ciidamada, inkasta oo aan faah-faahin ka helin.