25.4 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

CCC oo qorshe uu damacsanaa laga fashiliyay.!!

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar hoose oo aan ka heleyno Xafiiska Ra’isul wasaaraha Somalia Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa sheegaya in Cumar uu u diyaar garoobayo inuu u ambabaxo magaalada Brussels ee dalka Belguimka.

Ra’isul wasaare Cumar ayaa halkaasi uga qeybgali doona shirweyne ka dhacaya xarunta midowga Yurub ee Brussels, waxaana la tilmaamayaa in qorshihiisu yahay in shirkaasi ay ku wehliyaan Xubno gaar ah oo uu isagu wato.

Shirkaasi ayaa waxaa si wadajir ah u soo qaban qaabiyay midowga Yurub iyo Hay’adda qaxootiga Qaramada Midoobay ee UNHCR.

Sargaal la sheegay inuu yahay Afhayeenka Hey’adda UNHCR ayaa tilmaamay in shirka si gaar ah loogu eegi doono ballan qaadyadii midowga Yurub ay horrey ugu ballan qaadeen Somalia oo aan wali la fulin.

Sidoo kale, waxa uu sheegay in shirka looga hadli doono sidii loo caawin lahaa qaxootiga Soomaalida ee doonaya in ay dib dalka ugu soo laabtaan.

Hay’adda UNHCR ayaa horey u sheegtay in ay sii yaranayaan lacagihii horey u bixiyeen waddamada Midowga Yurub kuwaasoo loogu talagalay in lagu caawiyo qaxootiga Soomaalida.

Mid kamid ah Saraakiisha ka howlgasha Xafiiska Cumar Cabdirashiid ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in Ra’isul wasaare Cumar laga diiday liis uu ku diyaariyay shaqsiyaadka shirka ku wehlinaaya, kaasi oo ay ku jireen kuwo aan xaq u laheyn ka qeybgalka shirkaasi, iyadoona dib u hagaajin lagu sameeyay liiskaasi.

Waxaa kamid noqon doono Wasiiro iyo Xildhibaano uu iska ilaalinaayay in Safarkaasi ay ku wehliyaan.

Sharci ahaan shirarka dibadda ayaa loogu tallo galay in DF Somalia ay uga qeybgalaan Wasaaradaha goortaasi ay khuseyso shirka, waxaana jiro is dabamarino iyo in Madaxda qaar ay indha sarcaadiyaan Wasaaradahaasi sidaana ku ka xeystaan Masuuliyiin uusan shirka Khuseyn.

Dhanka kale, shirkaani lagu marti galiyay Somalia ayaa waxa uu imaanayaa iyadoo in kabadan labo milyan oo Soomaali ah ay qaxooti ku yihiin gudaha iyo daafaca caalamka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News