Xog: R/W CC oo u yeeray guddiga farsamada iyo Gen. Cabdi Qeybdiid oo shuruud adag ku xiray

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar hoose oo naga soo gaaray Xafiiska Ra’isul wasaaraha Somalia Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa sheegaya in Ra’isul wasaaraha uu Magaalada Muqdisho ugu yeeray in ay yimaadaan Saxiixayaasha Maamulka loo sameenayo Gobolada Dhexe ee Dalka.

Wararku waxa ay sheegayaan in Ra’isul wasaaraha uu xiriir la sameeyay Xubnahaasi, islamarkaana ugu yeeray inay iska soo xaadiriyaan Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale, wararka ayaa intaa kusii daraayo in Madaxweynaha Maamulka Galmudug Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid uu diiday Dalabka Ra’iisul Wasaaraha,waxaana uu Sharuud ku xiray Hadalka Wasiirka Koowaad ee Xukumadda.

Waxa uu Qeybdiid sheegay in tagitaankiisa Magaalada Muqdisho ay ku xiran tahay in Gudiga Farsamada Maamul u sameynta Gobolada Dhexe ay tagaan marka hore, hadii ay ka biya diidaana uusan tagi doonin.

Dhanka kale, Ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, ayaa la filayaa in Mas’uuliyiintaasi uu kala hadli doono hakinta Siyaasadaha ay ka ololinayaan Magaalada Cadaado iyo go’aankii lama filaanka ahaa ee lagu kala diray gudiga.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com