Sawirro: DFS oo Puntland u saxiixday heshiis ka hor imaan kara maamulka GOBOLLADA DHEXE

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud ayaa saxiixay hishiis dhigaya in ergooyin ka socda gobolka Mudug dhanka maamulka Puntland aysan ka qeyb gali karin shirka maamul u sameynta gobolada dhexe.

Puntland ayaa horay xukuno kala duwan ugu riday dad kasoo jeeda deegaanada maamulkaasi oo horay ugu sugnaa magaalada Cadaado ee maamulka Ximan iyo xeeb iyaga oo matalaya Puntland.

Qodobkaasi ayaa u muuqanaya mid hor istaagaya hamiga siyaasiyiin badan oo kasoo jeeda deegaanada Puntland ay ka lahaayeen maamulka loo sameynayo Galgaduud iyo Mudug.

Afhayeenka madaxtooyada Soomaaliya Daa’uud Aweys ayaa saxaafada ku aqriyay dhamaan qodobada lagu hishiiyay.

7 1 2 3 4 6 5

Caasimada Online
Xafiiska Puntland
Caasimada@live.com