Xawaaladleyda Soomaalida Uganda oo lagu soo rogay sharci halis ku ah hantida iyo noloshooda

Muqdisho (Caasimada Online) – Sharci cusub oo ay Barlamaanka Uganda ansixiyeen ayaa waxaa uu xakamayn adag iyo xukun dil ah dul dhigayaa Xawaaladaha iyo shaqsiyaadka lagu helo in ay maalgeliyaan Kooxaha loogu yeero Argagixisadda.

Dowladda Uganda ayaa loo xalaaleeyey inay la wareegi karaan Lacagaha iyo Hantida lala xiriirinayo Argagixisadda ee ay qabtaan Boliska Uganda.

Sharciga cusub waxa kaloo uu sheegayaa in dadka lagu helo inay maalgeliyaan Kooxaha Argagixisadda iyo weeraro aan geysanin dhimasho inay muteysan doonaan xabsi 20-sanno ah.

Sharciga La-dagaalanka Argagixisadda ee ay Mudanayaasha Barlamaanka Uganda ansixiyeen waxaa kaloo uu dhigayaa inay dil muteysan karaan dad lagu helo inay maalgeliyeen Fal Argagixiso oo sababa dhimashadda iyo dhaawaca dadka kale.

Sharcigaasi waxa uu Taliyaha Guud ee Boliska Uganda awood u siinayaa inuu xayiraad ku soo rogo Xawaaladaha iyo Xisaab-lacageedyadda lala xiriirinayo falalka Argagixisadda.

Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dalka Uganda, Jeneral Aronda Nayakairima ayaa soo dhaweeyey jadwalka shaqo ee Sharcigfa cusub ee La-dagaalanka Argagixisadda, kuna tilmaamay mid heer Caalami ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com