Odayaasha XAMAR: Xasan sharafta dowladnimo buu ku tuntay baarlamankuna wey daawanayaan

Muqdisho (Caasimada Online) – Xasan C/llahi garre oo kamid ah Odayaasha Magaalada Muqdisho, ayaa ka hadlay Siyaasadaha Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud ee uu doonaayo inuu ku hago dalka Somalia.

Waxa uu tilmaamay inay nasiib daro tahay in isagoo ugu sareeya dalka ay la tirsadaan Maamul Goboleedyada dalka, waxa uuna taasi ku sheegay inay tahay siyaasad yare heysata.

Garre ayaa tilmaamay inuu Idaacadaha Magaalada Muqdisho ka dhageystay isagoo dhahaaya arrimaha Maamulka Puntland waxaa kawada hadli doono BF iyo kan Puntland, waxa uuna sheegay in Maamulka Puntland uu ka dhigay dowlad daris la ah Somalia.

”Dhab ahaantii aad ayan uga xumahay in Xasan Sheekh uu dalka ka dhigay dowlado gaar gaar ah, caalamka kama aysan dhicin in Baarlamaanka uu arrimo gaar ah kala hadlo baarlamaan gobol isagoo u manasab sheegaaya inuu u dhigmo dowlad”

”Somalia KMG wey ka baxday, Xassan waxaa looga baahan yahay in maamulada dalka uu xakameeyo, waxaan is dhihikaraa DF waxaa ka awood weyn Maamul Goboleedyada taasi horay uma aysan dhicin isaga ka hor, ma aha in lagula gorgortamo siyaasada dalka”

Wuxuu sheegay in ka Odayaal ahaan aysan aqbali doonin in Xasan Sheekh uu sida uu doono ka yeesho dalka, waxa uuna carabka ku dhuftay inay la xisaabtami doonaan waa haddii uu Puntland u rumeeyo riyadooda.

Geesta kale, waxa uu ka digay in Odayaasha Muqdisho ay taageeraan qaladaadka uu Madaxweyne Xassan uu raali uga noqonaayo Maamul Goboleedyada dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com