Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno dhanka Madaxtooyada Somalia, ayaa sheegaya in Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Cumar C/rashiid Cali uu iminka wado dadaalo si gaar ah leyskula kulansiinaayo Xassan Sheekh iyo C/wali Gaas.
Madaxweyne Xassan iyo C/wali Gaas, ayaan wali wada qaadan kulan gaar, ah waxaana lasoo sheegayaa in Ra’isul wasaare Cumar oo tixraacaaya Heshiiskii Garoowe uu dhawaan wada kulmiyo labada mas’uul.
Ujeedka labada mas’uul sida gaarka ah loogu kulansiinaayo ayaa ah in meesha laga saaro shakigii ku jiray Warsaxaafadeedkii kasoo baxay Xafiiska Xassan Sheekh ee ahaa in dib looga wada hadli doono qodobada qaar ee lagu saxiixay Heshiiska Garoowe.
Waxaa jira kulamo guud oo ay labada Mas’uul isku arkeen balse kulanka iminka la qorsheynaayo waxa uu ka duwan yahay kulamadii caadiga ahaa ee xalay ka dhacay Villa Somalia.
Geesta kale, Ra’isul wasaare Cumar ayaa la rumeysan yahay in si hufan uu u gutay waajibkii saarnaa, keliya waxaa iminka u harsan inuu dhameystiro qorshaha ah is horfadhiisiga labada mas’uul.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

